Dhageyso:Danjire Maxamed Cali Ameeriko “Waxaa cafiyay nin 22-sano ka hor dilay gabadheyda”.

0

Muqdisho, AGGM: Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa sheegay nin horay 22-sano ka hor u dilay gabadhiisa uu cafiyay, kadib markii ninkan uu ugu yimid goob maqaaxi ah oo ku taal Muqdisho.

Amb. Ameeriko oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, isla markaana la gaaro dib u heshiisiin rasmi ah.

“Maalin maalmaha ka mid ah anigoo fadhiya Baar Liido ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuu i dhahay inaan kula hadlo rabaa, soo fariiso ku dhahay, wuxuu igu yiri muddo ayaa ku raadinayay, aabahaa waxaa ley sheegay inuu dhintay, waxaa rabaa inaa i cafiso, aniga iyo koox maleeshiyo ayaa 22 sano ka hor gurigiina soo weerarnay, waxaa ku dhimatay gabadhaada, inaa i cafiso ayaa rabaa”ayuu yiri Amb. Ameeriko oo sheegay inay layaab ku noqotay markii hore, isla markaana uu dib u gocday taariikhdaas xanuunka badan, dibna u soo xusuustay gabadhiisa yareyd markii karfanta ku jirtay ee iilka uu dhinac u dhigayay.

Amb. Ameeriko oo sii hadlayay ayaa yiri “Wuxuu igu yiri aniga waxaa ka mid ahaa burcadaas gurigiina soo weerartay, waxaa ka qaatay qeyb lacagti la dhacay oo aheyd 12-milyan, inaan lacagtaas bixiyo ayaa rabaa marka shaqeeyo, aadna i cafiso, markiiba aniga indhaha i gaduudatay, shan daqiiqo oo aan aamusnaa kadib waxaa go’aansaday inaan iska cafiyo”

Waxaa uu sheegay in ninkan 22-sano ka hor dilay gabadhiisa uu u sheegay in kooxdii uu ku jiray ee weeraray gurigiisa ay labo ka mid ah dileen, midna la la’yahay, isagana uu aaday dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo markii dambe lagu xiray..

“Aniga waa iska cafiyay, waxaa ku dhahay lacagtiina waa ku cafiyay, adiga iyo alle ayay idin jirtaa, adigana alle bari, ninkaas waa dhibanaa”ayuu yiri Amb. Ameeriko oo sheegay in xilligaas gabadhiisa ay ugu yareyd ilmihiisa oo ay ka weynaayeen labo wiil.

Soomaaliya ayaa dhib badan ka dhacay kadib bur burkii dowladdii Siyaad Barre, waxaana jira dhibaatooyin ay kala tabanayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana Maxamed Cali Ameeriko uu ka mid noqonayaa dadka fara ku tiriska ee cafiya dad dhibaato u geystay muddo 22-sano ka hor.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com