Dhageyso: Wafdi Ay Hogaamineyso Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M Ee Soomaaliya Fatiha Serour Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Wafdi ay hogaamineyso Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Q.M uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Fatiha Serour ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ayaa waxa wafdigaan kusoo dhaweeyey horjoogeyaal  katirsan maleeshiyada Raaskambooni iyadoo soo dhaweyn kadib ay wafdigaasi la kulmeen mas’uuliyiinta Maamulka ka jira magaaladaasi.

Horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni Axmed iyo Fatiha Serour oo ka socotay Qaramada Midoobeey ayaana kulankooda waxa uu ahaa mid looga hadlayey sidii loo dar dar gelin lahaa shirka 16-ka bishaan Kismaayo ka dhacaya oo looga hadlayo dib uheshiisiinta Dadka Jubbooyinka degga.

Waxa la qorsheeyey in Shirkaasi ay ka qeyb galaan Ergo laba garab ah  iyo dad Gobollada Jubbooyinka kasoo jeeda ah waxaana labada garab ee shirkaasi ka qeyb geli doona kala garab  hogaaminaya Korneel Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) iyo Axmed Madoobe.

Waa markii labaad oo bilo gudahood ay Fatiha Serour gaarto magaalada Kismaayo kulamana la qaadato horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ku sugan magaaladaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com