Jeneraal Dhega Badan oo DF u sheegay in Godanyaal Badan ay jiraan (XOG CUSUB)

0

General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in hadii uu dhintay Axmed Godane, macnaheeda uusan aheyn inay bur-bureen Ururka Al Shabaab.

Isaga oo la hadlayay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayuu General Dhagabadan, sheegay in Axmed Godane hadii uu dhintay inay nool yihiin rag kale oo uu tababar oo sida noociisa oo kale ah u dhaqma, sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isdhigtaan.

General Dhagabadan ayaa yiri “Godane waa dhintay yaan barkin loo dhigan Godanayaasha waa ay badan yihiin dad badan oo uu tababaray ayaa jira oo buuxa fekerkiisana ku dhaqma”

Inkastoo awooda Shabaab hada ay tahay mid hoos usii dhaceysa, ayaa General Dhagabadan, wuxuu saraakiisha ciidamada kula dar-daarmay inay sii wadaan dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si aysan udhicin dib uqabsashada Shabaab deeganada laga saaray.

“Howlgalka ha sii socdo yeeysan dhicin in Shabaab ay dib uqabsadaan dhulka laga saaray, saraakiisha waxaan leeyahay ciidamada feejignaan badan hala geliyo ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed guul”Ayuu yiri Dhagabadan.

Dhul badan ayaa ka baxay gacanta Ururka Al Shabaab, tan iyo markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom, ay qaadeen howlgalka loogu magacdaray “Badweynta Hindiya”.