Dhageyso: Gen. Gaafoow Oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Xukuumada Dalka.

0

Muqdisho, AGGM:Taliyaha Hogaanka Jinsiyadaha iyo Socdaalka Somaliya Janeraal C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa waxa uu beeniyey warar sheegayey in dawlada Talyaaniga ay diiday inay aqoonsato dad ku dhoofayey Baasaboorka Soomaaliga iyo dad doonayey inay codsadaan Visaha Talyaaniga.

Janeraal Gaafoow ayaa sheegay inay is faham daro ay timid ay markii dambe ku guuleysteen xalinta wixii khaladaad ahaa ee dhacay.

Waxa uu C/llaahi Gaafoow ku Eedeeyey Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada inaysan ugudbin Dawlada Talyaaniga in wax laga badalay Baasaboorka Soomaaliga hase-ahaatee ay iyagu dhexda uxirtaan bal sidii khaladkii dhacay loo sixi lahaa.

Janeral C/llaahi Gaafoow ayaa sheegay inay Visaha Talyaaniga ee dadka Baasaboorka Soomaaliga watay loo fududeeyey howshooda markii la xaliyey is faham daradii yareyd ee dhacday sida ay sheegeen Hogaanka Jinsiyadaha iyo Socdaalka Somaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com