Dhageyso: Al Shabaab Oo Qirtay Geerida Horjooge Axmed Godane.

0

Muqdisho, AGGM: War rasmi ah oo goordhaw kasoo baxay Falaagada Shabaab ayaa lagu faah faahiyay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka dhawaan ka geysteen deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.
Ilo Wareedyo lahelay ayaa sheegaya in bayaan ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu kasoo baxay Hoggaanka sare ee Mujaahidiinta.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr hogaamiyihii al-shabab iyo sarkaal oo kale ay ku kudhinteen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysteen Koonfurta Soomaaliya.

Hoggaanka al-Shabaab waxay ku dhawaaqday in hogaan cusub loo magacaabay Falaagada Soomaaliya kaasi oo bedeli doonoAxmed godane oo shabaab ay u garanayeen Abuu Zubeer.

Hogaanka cusub ee lamagacaabay waa Abii Cubeyda Axmed Cumar Horjoogahan ayaa isna lafilayaa in uu warbaahinta lahadlo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com