Muqdisho, AGGM:Wakiilka Mareynkanka u qaabilsan Soomaaliya,Midowga Yurub iyo waliba Safiirka u fadhiya Ingiriiska Soomaaliya,ayaa Dowlada Federaalka Soomaliya iyo Ciidamada Midowga Africa Ee “AMISOM” ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen howlgaladii ugu danbeeyay ee Al-shabaab looga saaray deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Mr James P. McAnulty, Michele Cervone d’Urso iyo Neil Wigan oo si wada jira xafiiskooda uga soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxay ku sheegeen iny si weyn ula dhacsan yihiin howlaha ka socda Soomaaliya gaar ahaan hormarka laga gaaray dagaalada lagula jira Al-shabaab-ka Soomaaliya,waxayna tilmaameen inay garab taagan yihiin Ciidamada huwanta ee Dowlada iyo AMISOM.
“ ka saarida Al-shabaab magaalooyinka Jalalaqsi, Bulo Mareer, iyo Kurtunwaray waxay muujineysa inay sii wiiqmeyso awooda kooxaha argagixsada,Laakiin Al-shabaab waxay inkirayaan dharbaaxooyinka ku socda iyagoona taa badalkeeda bilabaya weeraro aargoosi ah,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wakiiladaan Soomaaliya beesha caalamka u fadhiya.
Ugu danbeyntii,waxay balan qaadeen in Dowlada Federaalka Soomaaliya mar waliba la garab taagan yihiin inay ka taageeraan ku hogaaminta dalka Xasilooni iyo Nabad waarta.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM,ayaa waxay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab,kuwaasi oo deegaano iyo degmooyin Al-shabaab horay ugu sugnaayeen looga saaray.
Al-shabaab oo dhankooda howlgalkaan ku socda ka hadlay ayaa wacad ku maray inaysan wiiqi doonin sii waditaanka weeraradooda culeyska saran.
2012-kii,ayay markii Al-shabaab isaga baxeen magaalada Muqdisho oo ay ku xooganaayeen,iyagoona ku dhawaaqay in dagaalkoodii u badaleen ku dhifoo ku dhaqaaq.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com