Warsaxaafadeed:Wakiilada beesha caalamka ee joogo Soomaaliya oo soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Kismaayo.

0

Muqdisho, 31 Agosto 2014 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay heshiiskii uu galay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale, heshiiskaas oo uu uga qeyb gelayo geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar kamid ah ciidamadiisa aan caadiga ahayn in la baaro si ay ugu suurto gasho in ay kamid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, ayagoo kaalmo ka helaya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskaan ka dhex dhacay Korneel Barre Hiiraale iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya.

Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno shirka dib-u-heshiisiinta ee la filayo in uu qabsoomo usbuucyada soo socda, sidoo kalane waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseeyso in ay la xariiraan dadka ay arrimaha khuseeyaan oo dhan, isla markaana loola xariiro dadkaasi si wax-dhisid iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay.

Waana in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa dhamaan masaalixda iyo danaha umadahaas oo dhan (dadka ku nool Jubbooyinka).

Saaxiibada Soomaaliya ee ka socdo Caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda Ummadda Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

DHAMAAD.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com