DHAGEYSO+Sawiro:- Beesha Sade oo siwayn u diiday maamulka loo samaynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud. Ugaas Ciise…

0

Muqdisho, AGGM: Kulan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Mareexaan (Sade), Ugaaska Beesha, Salaadiin ayay uga soo horjeesteen guddigii farsamada ee dowladda Soomaaliya u magacowday maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgadud, waxayna ku tilmaamay mid kasoo horjeestay qawaaniinta dalka iyo awood qeybsiga beelaha dagan gobolka.

Xildhibaannada ay ka mid ahaayeen;  Nuur Faarax  Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Cali iyo Xildhibaan Shariif Cabdi , Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Salaadiin iyo waxgarad kale a ayaa waxay soo saareen war saxaafadeed ka kooban lix qodob oo xasaasi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Baryahaan danbe waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socday dadaal ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul gobolleed ugu dhisayso gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah gobolka Mudug. Hadaba beesha Mareexaan Sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaanadaas waxaa ay qoraalkan ku cadeynaysaa aragtida iyo mowqifka ay beeshu ka leedahay maamul u samaynta deegaanadaas. Beesha Mareexaan waxaa ay  go’aansatay soona jeedinaysaa qodobadan soo socda.

1. Beesha Mareexaan (Sade) waxaa ay cadaynaysaa in ay diidan tahay, qeybna ka ahayn maamul gobolleedka la damacsan yahay in laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug maxaa yeelay sharciga ma waafaqsana.

2. Beeshu waxaa kale oo ay cadaynaysaa in aan laga talo gelin arrintan, aysana jirin cid u matasha ka qeybgalka shirarka iyo kulamada looga wada hadlayo arrintaas.

3. Beeshu waxay cadaynaysaa in uusan matalin ururka Ahlusunna wal-jamaaca, kuna hadli karin aragtideeda iyo mowqifkeeda midna.

4. Beeshu waxay soo jeedinaysaa in aan laga dhex abuurin bulshada walaalaha ah ee deegaannadaas colaado iyo dhibaatooyin hor leh.

5. Beeshu waxay soo dhaweynaysaa maamul kasta oo cadaalad ah oo ay samaysato bulshada Soomaaliyeed waafaqsana shuruucda iyo qaanuunka dalka.

6. Beeshu waxaa ay soo jeedinaysaa in maamul u sameynta gobollada dalka looga danbeeyo dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cullimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada degta gobolladaas.

Bayaanka waxaa ku saxiixan Ugaaska Beesha Sade, waxaana ay wadajir usoo saareen Xildhibaanada kasoo jeeda deegaankaas ee ku abtirsada beesha.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO 

sade5 sade8 sade7 sade6 sade9 sade3 sade4 sade sade1 sade2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com