Maqaal:Isticmaalka Awoodaha Dheeriga ee Madaxda Dowladda Soomaaliya! W/Q.Xildhibaan C/Welli Qanyare

0

Soomaaliya hadda waxaa u dhisan Dowlad leh Baarlamaan iyo Dastuur ay ku heshiiyeen oo qabyo ah ,hadii ayno raacno waxa aynu ku heshiinay oo hada inoo qoran qilaafyada siyaasadeed iyo isriixriixa kala badsashada iyo in takrifal yimaado oo koox ama nin madax ah waxa qoran oo sharcigga u ogolyahay uu soo gudbo waa ay yaraan lahayd (Limitation of Power).

Sharciga Dalka inoo yaal waxa uu muwaadinka siinaya xaquuq buuxda , waxaana ku cad sharciga in aan qofka la iska xiri Karin hadii lasoo eedeeyo ama la tuhmo , waa in 48-saac gudahood Maxkamad lagu soo hortaagaa isagoo loo ogolaanayo qareen daafaca , waxii intaas ka badan sharciyadda dastuurka inooguma jirto, waana sharci daro iyo qof jeceylkiisa in muwaadinka la iska heesto uuna iska xirnaado asagoon dambiga maxkamad horteeda lagula cadeyn .

Muwaadiniinta Soomaaliyeed guryahooda layskama gali karo hadii aan sharciyad ama Warqad Maxkamadeed aysan ciidamadu wadan.

Shacabka Soomaaliyeed hadii ay iska indho tiraan qaladaadka muuqda waxaa abuurmaya nin ama koox kaligood talisa oo sharciga ka weyn , lunsatana hantida dadweynaha iyo kan Dowlada kuna dhaqaaqda wax is daba marin , ina adeersi iyo wax kastoon ku haboonayn Dowlad wanaagga iyo maamulka .

Waxaa laga rabaa shacabka Soomaaliyeed in ay aqriyaan fahmaan sharcigga dalkooda iyo iyagu lagu maamulayo si ay ula xisaabtamaan Xildhibaanadooda, Xildhibaanaduna ula xisaabtamaan Golaha fulinta iyo Madaxweynaha intaba.

Aniga iyo inta igu fikirka ah ee ku jira Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaan diidanahay ifiimineynaa si sharciga waafaqsan (All form of Dictatorship)kali talisnimo, lunsasho hanti qaran,(Corruption) iyo waxkastoon ku salaysnayn dowlad wanaaga iyo sharciga, kor kayeelida Qaranimada Umadda Soomaaliyeed.

Saxaafada xorta ah waa inaan lagu xad gudbin oo haddii madaxdu dhibsato aan ciidamada si aan sharcigga waafaqsanayn u adeegsan iyagoo ka turjuma rabitaankooda qaaska ah.

Ugu Dambeyn Saxaafada xorta ah waa in ay sharcigga dhowrtaa iyo xaquuqda muwaadiniinta kana fogaadaan wax kastoo dhibaato gelin kara dalkeena iyo dadkeena (Runtana waa la sheegi karaa).

W/Q C/Welli Maxamed Qanyare
Xildhibaan katirsan Guddiga Khayraadka Baarlamaanka Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com