Dhageyso: Dad Laga Shakiyay Oo Lagu Soo Qabtay Suuqa Bakaaraha.

0

Muqdisho, AGGM: Ciidan iskugu jiray Boolis iyo Nabad Sugida Somaliya ayaa waxay maanta baaritaan umuuqday in lasoo qorsheeyey waxay kasameeyeen Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad ku dhaw 50 qof ayey ciidanku gacanta ku dhigeen oo mid kamid ah dadka lasoo qabtay uu hubeysnaa su’aalana la weydiinayo hubka uu sitay iyo waxa uu ahaa.

Gudoomiyaha Maamulka degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa waxa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga maantana laga sameeyey Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Waxa uu gudoomiye Siyaad sheegay in dadka ay hayaan uu ku jiro nin bistoolad ku hubeysnaa hadana ay su’aalo weydiinayaan dadka la qabtayna ay kuwii dembi ku waayaan lasii deyn doono.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com