Top News: Afhayeenka Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay In Madaxi Sirdoonka Kenya Uu Iscasilay.

0

Nairobi, AGGM:Afhayeenka madaxtooyadda Kenya ayaa laga soo xigtay inuu is casilay madaxii hay’adda sirdoonka dalka Kenya kadib markii uu ku guul daraystay inuu xog badan ka helo weerarada Al-Shabab ka geystaan dalka Kenya.

Afhayeenka M/weynaha Kenya oo la yiraahdo Manoah Esipisu ayaa ka sheegay Tv,ga dawlada in Mijor Jen Michael Gichangi, oo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Kenya uu shaqada ka tagay kadib markii uu dhawr jeer la kulmay cambaareyn kaga imaanaysay madaxda sare ee dawlada taasoo aheyd inuu xakameyn waayay weerarada Al-Shabab dalka Kenya ku qaadaan oo galaaftay nolosha dad badan oo Kenyan ah.

“Waxaan idiin cadaynayaan in Jen Michael Gichangi, uu shaqada ka tagay kadib culaysyo uu la kulmay lakiin M/weynaha ayaa weydiistay inuu xilka sii hayo illaa la magacaabayo qofkii badali lahaa” ayuu yiri afhayeenka M/weynaha Kenya oo Tv,ga dawlada ka hadlay.

Afhayeenku waxaa uu sidoo kale xusay inay jirto isku shaandhey n lagu sameeyay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka gobolada dalka qaarkood.

Sargaalkaan oo xilkaan loo magacaabay sanadkii 2006 ayaa dhaliisha ugu badan waxaa uu la kulmay markii ay Al-Shabab weerareen suuqa Westgate ee Nairobi sanadkii hore iyo sanadkaan markii la weeraray magaalooyin Lamu ku yaala oo ay ku dileen in ka badan konton ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com