Wasiir ku xigeenka Amniga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo halkaasi ay si dirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka g/Baay, kan degmada Beydhabo iyo xubno ka tirsan bulshada magaaladaasi.
Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka, Ibraahim Isaaq Yaroow, ayaa sheegay in uu kulamo wadatashi ah la yeelandoono maamulka iyo bulshada, isagoo intaa raaciyay inuu kala hadli doono arrimo ku saabsan dhismaha maamul gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Baay, Cabdi Aadan Hoosoow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada wafdiga, ayna saxaafadda la socod siindoonaan, natiijada wada hadallo ay la yeelandoonaan wafdiga uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka..
Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa xubin ka ah guddi dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u xilsaartay dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.