Minneapolis (AGGM) Dibadbaxyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minesotta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu suganyahay dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo shirka Madaxda Afrika iyo dowladda Mareekanka oo shalay la soo gabagabeeyay.
Dibadbaxayaasha waxay isugu soo uruureen albaabka hore ee hotelka uu ka deganyahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minesotta.
Dadka ayaa waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha in uu xaalada dalka geliyey mugdi siyaasadeed, iyagoo ka codsaday inuu xukunka faarujiyo.
Halkaan ka dhageyso
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com