Kuala Lumpur, AGGM: Kulan ay Xalay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Sade ee wadanka Malaysia waxa ay ka soo saareen baaq ku aadan dhibaatada Dagaalda ka soo cus boonadey magaalad Caabudwaaq.
Jaaliyda Beesha Sade ayaa waxey xaley ku kulantay Hotel Kuala Lumpur ee magaalada Kuala Lumpur waxa ayna si kulul u cambaareeyay colaadaha ka aloosan Magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasoo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan
jaaliyada oo Beesha Sade ee wadanka Malaysia ayaa waxa ay ugu baaqeen beelaha ay dirirtu u dhexeeyso in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaallada, iyagoo tacsi u diray dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dagaalladaasi.
Awoowe Macalin Nuur Xirsi Siyaad oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ka codsaday beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Cabudwaaq in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan xabadda.
“Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxaan ugu baaqeeynaa beelaha walaalaha ah ee Cabudwaaq ku dagaalamay in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, xabada hala joojiyo,” ayuu yiri awowe macalin nuur xirsi siyaad .
Sidoo kale waxaa isna goobta kahadlay Shiikh Shafiic uguna baaqay beelahaasi in ay nabadda qaataan islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan waxyaalaha u dhexeeya.
Sidoo kale waxa asan kahadlay gudomiyaha Jaaliyada Maxmuud Doodane oo ugu baaqay beelahaas inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan xabada wax walbana lagu dhameeyo miiska wadahadalka, waxaa sidoo kale iyana kahdashey ka hadashay madashaas gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Aamino Cabdi Faarax Shiil, waxayna ugu baaqadey beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaalada Caabudwaaq inay si shuruud la’aan ah ah u joojiyaan xabada ayna aqbalaan Baaqyada Nabadeed ee ay soo diyaraayaan Jaaliyada Beesha Sade ee dunida daafaheeda,Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay M. Shukri Abdul Soofe, waxa uuna ka codsaday beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Magaalada Cabudwaaq in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan xabadda.
“Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxaan ugu baaqeeynaa beelaha walaalaha ah ee Cabudwaaq ku dagaalamay in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, bil Ramadaan ayaa lugu jiraa, xabada hala joojiyo,ayuuyiri M. Shukri Abdul Soofe.
Dhamaan Odoyaashii, Culamdii iyo Waxgaradkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dagaallada dhawaan degmada Cabudwaaq ku dhexmaray beelaha walaalaha ah ee wada dega halkaasi, iyagoo sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay dagaalladaasi.
M. Shukri Abdul Soofe
Kuala Lumpur, Malaysia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com