Kooxo weeraray sohdinta Madheera iyo Beledxaawo

0

Mandheera (AGGM) Sida aanu saakay weerarka ku helnay Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar xoog leh ku qaaday goob ay ciidamada Kenya ka deganyihiin aaga kastanka ee xuduuda u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheere.

Ma jiro qasaare la soo wariyey balse goobjoogayaasha ayaa aaminsan inuu jiro qasaare maadaama weerarkaas uu ahaa mid gaadmo ah.

Dawlada Kenya ilaa iminka kama aysan hadal weerarkaas iyo cida ay tuhunsanyihiin inay ku soo qaadeen balse waxaa jiray weeraro silsilado ah oo dhawaanahan ay kooxda Alshabaab la beegsanaysay goobo kala duwan oo dalkaas Kenya ku yaala.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com