Dhageyso: Xasan Sheekh Oo Soo Xiray Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka dalka

0

Muqdisho (AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray  Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin waxqabadka baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh wuxuu kale oo uu kadlay dhismaha maamul goboleedyada, oo uu sheegay in shacabka soomaaliyeed loo baahanyahay inay bartaan ahmiyada maamul goboleedyada ay dawladu ka qeybqaadanayso dhismahooda, isagoo ula jeeday sida ay dad badan u fahmeen arrimaha maamul u samaynta gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha hoose oo ay dawladu aqoonsatay.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale beeniyey wararka sheegaya in la iibsanayo badda Soomaaliya isagoo tilmaamay inay wararkaas yihiin waxba kama jiraan.

Xasan sheikh wuxuu kale oo uu beeniyey in isaga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibada Fawsiyo Xaaji Aadan ay dhaceen lacag badan oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed. Taasoo ay kooxda Monitarin Guruup ugu eediyeen madaxweynaha in arrimahaas uu si gaar ah ugu lug lahaa.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa lasoo dhigay waddooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka, waxaana oo si adag ammaanka u ilaalinaya ciidamada iyo gaadiidka gaashaaman oo ay leeyihiin Dowladda iyo kuwa Amisom.

Halkaan ka dhageyso Madaxweynaha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com