Dhageyso: Wasiir K/xigeen Sheegay Inay Heshiis Kala Dhexdhigeen Labo Beelood

0

Beledweyne(AGGM)  Sida uu sheegay wasiirka Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax waxaa ay heshiis hordhac ah kala dhexdhigeen Beelihii ku dagaalamay Deegaanka Deefoow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wasiir k/xigeenka ayaa sheegay inaysan hada jirin wax cabsi oo ah dagaal markale dhaca, wuxuuna  ku eedeeyay siyaasiyiinta iyo idaacadaha Muqdisho inay hurinayaan colaadaha beelahaas, isagoo ugu baaqay in aan la buunbuunin waxyaabaha yar yare e beelaha walaalaha soo kala dhexgala.

wasiirka Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax oo Sugan Gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale sheegay in howlgal Hiil walaal ee ciidamada Jabuuti ka wadaan gobolka Hiiraan inuu meel fiican marayo.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Bankax

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com