Dhageyso:-Bashiir Goobe oo xildhibaanimo loo dhaariyey

0

Agaasimihii hore ee hay’ada nabad sugida qaranka Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe”, ayaa maanta loo dhaariyey inuu kamid noqdo xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Goobta lagu dhaariyey xildhibaankan cusub waxaa kusugnaa masuuliyiinta ugu sareysa dalka oo ka qeyb galayey xiritaanka kalfadhiga afaraad ee golaha baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Bashiir Goobe ayaa lagu badalay xildhibaan hore Qaasim Maxamed Jaamac Keynaan, oo Todobadii bishan istiqaaladiisa gudoonka baarlamanka ugudbiyey.

Bashiir Goobe ayaa sedan uga mid noqonaya golaha baarlamanka Soomaaliya, iyadoo laga sugayo saxiixida warqadaha kamid noqoshada baarlamanka Soomaaliya.

Agaasimihii hore ee nabad Sugida Qaranka ayaa xilkiisii ku waayay kadib weerar Falaagada Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.