Dhageyso: Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Mid kamid ah saraakiisha Raaskambooni ee Axmed Madoobe ayaa ayaa xaqiijiyey in weerar ay magaalada Kismaayo ku qaadeen Alshabaab uu ka dhashay qasaare.

Horjoogahaan oo lagu magacaabo Cabdullahi Cusmaan Qaboobe ayaa  sheegay in dhanka Al-shabaab ay ka Dileen 2 Askari halka dhankoodana hal askari laga dhaawacay sida uu sheegtay.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa xaqiinaya in ay dhici karto in qasaaraha soo gaaray maleeshiyada Raaskambooni uu intaas ka badanyahay.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkaan dambe faraha ka sii baxayay waxaana jira in Alshabaab ay gudaha ugu jiraan magaalada Kismaayo, taasoo xitaa sababtay in wax dhaqaaq ah ay sameen waayaan kooxda Raaskambooni ee magaalada ku sugan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga horjooge Qaboobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com