Beelaha Jubbooyinka Oo Isku Abaabulaya Sidii Ay Isaga Kicin Lahaayeen Axmed Madoobe

0

Kismaayo(AGGM)  Sida ay noogu warrameen ilo Ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose waxaa deegaano kala duwan oo gobolkaas ka soconaya qabanqaabooyin ay beelaha deegaanadaas ku doonayaan inay isaga kiciyaan koox beeleedka Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Beelaha sida weyn uga soo horjeestay cadaalad darada ka jirta Kismaayo ayaa waxaa ay tilmaameen in dawlada Soomaaliya ay umada goboladaas ku eegatay dhibaatada ay ku hayan maleeshiyada hayaanka ah ee Axmed Madoobe ayna tahay sidii ay isaga kicin lahaayeen mid waajib iyaga ku ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay jiraan abaabulo ka socda deegaanada miyiga ah iyo gudaha magaalada Kismaayo, oo qaar kamid ah beelahaas ay shirar ku yeesheen.

qabiilada dega Jubbooyinka ayaa muddooyinkanba waxaa ay mid mid uga hor imaanayeen kooxda Raaskambooni kaddibmarkii ay arkeen cadaalad daro iyo boob hantidii umada u dhaxaysay oo ka taagan magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com