Top News:Akoonkii Ciidamada Kenya Ay Ku Lhaayeen Barta Twitterka Oo La Jabsaday.

0

Nairobi, AGGM:Xoogagga Difaaca Kenya ee loo soo Gaabiyo (KDF) Cinwankoodii Twitter-ka oo magic ahaan u dhigna- Waxaa Jabsaday qof Cinwaanada Jebiya oo Magaca Cinwaankiisu Yahay #Anonymous (@Anon_0*03).

Kooxda Wax Jabsatay ayaa sidoo kale Jabsatay Cinwankii uu laha Afhayeenka Ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir – oo Cinwaankiisu u dhignaa @MajorEChirchir – waxaana ay uga Tageen Tixane ay Bulshada kula Wadagayaan Hogaan Xumidiisa iyo Aflagaadaba.

Mid ka mid ah Hadaladaas waxaa lasoo Baahiyay oo lasoo dhigay Bartiisa Twitter-ka 9 Saacadood ka hor: “Saboolnimada Sidaas u Badan ee Africa inta aad ku Lumineysid Lacag iyo Hub maad iska Deysid”

Cinwankiisa ayaa la Tuhunsanyahay in la Jabsaday 9 Saacadood kahor, Major Chirchir aya dadka Reer Kenya in ay iska Indha Tiraan Fekradha lasoo dhigayo Bartiisii kuwaas oo uu sheegay in ay soo dhigayaan Burcd Cinwanka ka Jabsatay.

Haakariska ayaa sidoo kale Galay Website-ka hay’ad Taageerta Wasaaradda Deegaanka, (Netfund) website-ka ayaa dib loo Helay Aroortii Saakay oo Isniin ah. NETFUND waxaa loo Aas Aasay in ay Abaabusho Lacagaha loogu talagalay Maamulka Deegaanka, Dhisidda Awoodda, Abaalmarinta Deegaanka iyo Baahinta Deegaanka.

twiter

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com