Dhageyso:Ciidamada Ammaanka Degmada Guriceel Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Ay Saarnaayeen Walxaha Qarxa.

0

Guriceel, AGGM:Ciidanka ammaanka ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen afar jawaan oo ay ku jiraan baaruudda loo isticmaalo qaraxyada.

Taliyaha saldhigga booliska Guriceel Gallad Maxamuud Qeelye oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in gaariga oo ka yimid degmada Dhuusamarreeb, kuna wajahnaa Guriceel uu gacanta ciidanka ku jiro.

Gallad ayaa intaas ku daray in ciidanku ay soo kale hayaan ninkii watay gaariga iyo labo nin oo xiriir la’leh oo laga qabtay gudaha magaalada, islamarkaana ay ku socdaan baaritaanno, cadaaladdana la hor keeni doono.

Waxay ku soo beegmeysaa arrintan xilli ciidanka ammaanka ee Guriceel ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga, inta lagu jiro bisha barakeysan Ramadaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com