Maqaal:Madaxda dalku meel ay wax u dhaqaajiyaan miyey garan la,yihiin mise talaa sida ka ah,mise cadow taladiisey ku shaqeeyaan?

0

Kharribaadda dalka Somaliya ka jirta xilligaan ee amni,siyaasadeed iyo dhaqaale way ka weyntahey mid lagu cabbiri karo ereyo kooban. Waa mid u eg in cadow dalkii taladiisi gacanta ku dhigey oo uu ummaddii isku kharribayo. Baarlamaankii mid mid meel ku sheega ma jiro oo sida qabiilooyinka madaxa la iskugu geliyey ayey iyaguna ku sumoobeen talada sumeysan ee dalka ka jirta sida muuqata. Wax tillaabo ah oo waxtar leh ma qaadi karaan dad kala shakisan oo aan isku hal meel arrimaha siyaasadda ka arkin.

Xaggee nalaka soo galey?

Weerarkii lagu qaadey Golaha Baarlamaanka kaddib, wuxuu madaxweynuhu ballan qaadey in uu is baddal la taaban karo oo weyn uu sameyn doono. Ilaa hadda Wasiirkii Amniga oo is casiley ayaa is baddal laga hayaa iyadoo booskiisina aan mid kale loo magacaabin ilaa hadda. Balaayaduba mindhaa wasaaraddaas ayey aheyd ayaan is dhihi laheyn haddii amnigu soo hagaagi lahaa.Laakiin wasiirkii teg, amnigiina wuu sii xumaadey,wasiir kalena lama magacaabin. Madaxdiina xaflado iyo damaashaadyo iyo safarro dibeddaa iyo farxad ayey iskaga jiraan sidii inaan waxba dhicinba. Tolow yey ku halleynayaan talada dalkaan mise iney talo hayaan ayeyba la tahey?

Aqoonsigii 3 da gobol iyo raadka xun uu reebey

Run ahaantii waxaa la oran karaa taladaas 3 da gobol lagu aqoonsadey ma aysan aheyn talo dad dowladda ka naxaya kasoo fushey ee waxey aheyd talo cid dowladda dumineysaa kasoo shaqeysey.Maamulka 3 da gobol ma ahan mid jiritaan ku leh gobollada loo aqoonsadey. Maxaa dowladda ku kallifey maamul qash qashaad awgeed loo sameeyey iney aqoonsato iyadoo dadkii sida dhabta ah u joogey Baydhabo iyo Sh. Hoosena waxba kama jiraan kasoo qaaddey?

Haddey aqoonsatey soo iney meel mariso lagama sugayo? Mise maba ka fakarin arrintaas?

Dowladdaan cilladda heysta waxey u egtahey iney tahey iney cadow fashilkeeeda raba taladeedi u dhiibatey!

Warsame Gaabane
Wadaadyare09@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com