MAQAAL: DAGAALADAN SOKEEYE EE KA BILOWDAY SOOMAALIYA.Faraax Maxamed ( Sabool Koriye)

0

Waxaan ku bilaabayaa qormadayda magaca eebe ee allaaha xaqa lagu caabudo,

Kama daalayo Inaan Qalinka khadka ugu shubto run u sheegidda ummaddayda soomaaliyeed ee ilaahay iga dhex beeray,

Aan xusuusiyo maalmihii tagay kuwoodii naxdintii badnaa kuwoodii burburka balanbalka bushiga macaluusha lahaa , halaakooyinkoodii badnaa ee uur xurmada lahaa ee dhimasho iyo Qaxa Dunida nagu kala daadiyay dhaliyay.

Waxaas oo Idil waxay ahaaayeen dagaal ka bilowday qabiil dano siyaasadeed Laga lahaa oo gaaray Ilaa labadii oday wada dhalay aabe wada dhalay inay kala bah AMA kala hooyo darteed isku dileen, Oo kala dan AMA kala aragti unuunka isaga jareen.

Dadkayga soomaaliyeed dhiigga iyo xaqdarrada miyaanay ahaanayn qaar ka waantooba ,miyaanay ahaanayn dad mar Uun hareerahooda eega, miyaynaan ahaanayn dad qiimeeya oo ku dhaqma xurmada diintaba islaamka , miyaynaan ka bislaanayn wixii hore noo dilooday ee Aan sababta lahayn ,shalay wixii Ina gaaaray ee Aan gacmaheenna ku kasbannay miyaynaan ahayn dad ka gubaynaya oo ka towbad keenaya .

Soomaalaay- soomaalaay – Ina Hebel Hebel waad tahay , reer Hebel waad tahay , laakiin waxaad tahay Uun waa soomaali caalamka reer Hebel Kama tihid . Caalamka waxaad ka tahay aragixiye budhcad badeed inta xumaan cabsi-yeed leedahay iyo dibu dhac aadami waad leedahay .waxaan leeyahay soomaaliya waa SOOMAALIYA anagay danteennu tahay Inaan nabad hello , ayaadka ilaahay xusuusata Kuwa ilaahay swt rumeeyow naftiinna iyo ehelkiinna ka ilaasha naarta . waa Hal qoys waa Hal qabiil waa Isu adeer Isu abti Isu awoow waa Hal geed waa qoys Aan qaybsamaynin meella Aan kala tagayn .

Waxaan ugu baqayaa deegaamada ay colaaddu ka jirto nabad Baaqaygu waa mid saameeya soomaaliga muslimka ku abtirsada oo Idil waxaan leeyahay :-

Walaalayaal hubka dhiga soomaaliga hubka sitoow waxaan kugu dhaarinyaa magaca ilaahay hubka dhiga fadliga bisha Ramadaan hubka ku dhiga hub wax buu dilaa wax ma nooleeyo, Ujeeddo kastoo Aad leedahay adoon dhiigga walaalkaa Aan banaysan ayaad heli kartaa hankaaga AMA ganacsi iyo hanti ha noqdo AMA madaxnimo iyo magac ha noqdee .

Ahow geesi aannu xusno oo keeni kara taariikh nabad iyo cadaalad leh, Waxaan u aqaannaa geesi ninka dhiig socda joojiya , dhiigya cab geesi maaha, Dhiig cabnimadu wax lagu faano maaha.

Way u muuqataa wax garadka soomaaliyeed ee u damqanaya shacab weynaha soomaaliyeed ee dandarada iyo nabad li’idu aafaysay halka ay si wax ka yihiin , waxaana taa looga bixi karaa iskaashi iyo caqligoo la mideeyo loona maro halka xalku ku jiro . Waxaan ku celcelinayaa halka uu xalku ku jiro haloo maro nabadda Iyo horumarka ummadda .

Nabad iyo Cadaalad

Faraax maxamed ( sabool koriye)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com