Maqaal:Qarannimada Soomaalida Siday U Socotayba Cagta Hoosteeda Ayaa La Galiyey! W/Q.Maxamed Geelle Warfaa

0

MAQAAL: Waa arrin aad looga xumaado sawiarada naga soo gaaray dib u habaynta lagu sameeyey xafiiska madaxweynaha Soomaliya.

Waxaad is waydiinaysaa muuqaalka xafiiska iyo lacagta gashay ma ka go’daa Soomaliya oo askarigii amaanka sugi lahaa uusan mishahar qaadan bilooyin farabadan, aan lahayn habayaraatee adeeg bulsho inta ugu yar oo qofka muwaadinka u bahan yahay sida nabadgalayada, caafimaadka iyo waxbarsahada.

Lacagtta howshaas ku baxday waxay u badan tahay in ay tahay dhowr boqol oo kun haddaanayba malyan dolar kor u dhaafin.

Waxaa intaas ka daran sawirka carpet-ka dhulka la dhigay lagu soo sameeyey oo ah mid kaligiis loo sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo cid kale aan loo samayn, qiimo aad u qaali ahna lagu soo sameeyey.

Carpet-ka waxaa ku sawiran calaamaddii qaranka oo calankii buluugga ahaa dhexda uga yaal.

xafiis1

Malaha Madaxweynaha waxaa uu booqday xafiiska aqalka cad ee maraykan oo uu ku arkay calaamada asaata ee gorgorka ah oo Carpet lagu sameeyey laakiin ma uusan fahmin in gogorka kaligiis uu yahay oo uusan la socon astaanta calanka maraykanka.

xafiis

Waxaa la gudboonayd in uu yiraahdo labada shabeel ha lagu soo sawiro hana laga dhaafo calanka dhexda ku jira haddase lagama gaaro oo dhulka inta lagu goglay ayaa calankii cagta hoostiisa la galinayaa, sida kab loogu wado ayuuna ku dhamaanaya haddaan la helin umad ka hortagta caqli xumada madaxtooyo dhex huruda.

Maxamed Geelle Warfaa
warfaa1997@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com