Dhageyso:Xoolo fara badan oo cudur aan la aqoon ugu dhintay Gedo.

0

Luuq (AGGM):Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in xoolo fara badan ay u dhinteen cudur aan la aqoon oo ka dilayaa degmadaas.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa saxaafadda u sheegay in 190 xoolo isugu jira Ari cad iyo Ido ay ugu dhinteen cudur aan la aqoon oo ka dilaacay Luuq iyo deeganno ku dhow oo ku yaalla gobalka Gedo.

Waxay sheegeen haddii aan gurmad degdeg ah lala soo garin in ay halis kujiraan xoolo fara badan.

Waxaa kaloo ay sheegeen in aysan aqoon cudurka ku dhacay xoolahooda.

Dhinaca kale, abaaro lixaad leh ayaa ka taagan gobalka Gedo kuwaasoo saameen xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Abaaraha iyo macluusha laga soo sheegayo gobalka Gedo ayaa sabab u ah iyadoo wax gargaar ah gobalka la geyn dhowrkii sanno ee la soo dhaafay iyo roobabkii la filaayay oo noqday kuwa gabaabsi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com