Jowhar (AGGM):Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shaballaha Dhexe.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono xubnaha maamulka, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada.
Afhayeenka waxa uu sheegay in si weyn loo adkeeyey amniga magaalada, iyadoo boqolaal dad ah oo soo dhoweynaya madaxweynaha ay taagan yihiin hareeraha waddooyinka waaweyn ee magaalda Jowhar.
Waa socdaalka labaad ee uu madaxweynaha ku tago magaalada Jowhar muddadii uu xlka hayey.
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com