Daawo Sawirada:Dawro lagu Baranayo Cilmiga Shareecada oo ka bilaabatay Magaalada Gaalkacyo.

0

Gaalkacyo (AGGM): Dawradaani oo noqonaysa Dawradii labaad ee nooceeda ah uuna qabtoUrurka Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq ayaa waxaa ay soconaysaa Muddo bil ah.

Dawrada oo loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta Dhalinyarada ee la xariirta Dhanka Cilmiga Shareecada ee Diinta Islaamka ayaa waxaa ka faaidaysanaya Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdhaba leh waxaana ay kuqaadanayaa Maadooyin 5 ah oo kala : البحث العلمي ، القواعد الفقهية ،
الفرائض ، مصطلح الحديث مذكرة (دور الشباب في المجتمع)

Dawrada ayaa Casharadeeda waxaa lagu qaadanayaa Xurunta Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Gaalkacyo waxaana wax ka dhigaya Macalimiin heer Jaamacadeed ah oo Xubno ka ah Ururka Beder.

Dawrada ayaa waxaa bilowgeeda kasoo qayb Galay Gudoomiyaha UrurkaBeder Muxamed Cabdulaahi Cali , Gudoomiyaha Dalada Amal ee Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada , Tabaraha Da’da yar Axmed Muxamed Xirsi (Faratooyo) iyo qaar kamida Macalimiinta Dawrada wax ka dhigaya.

Dhamaan Masuuliyiintii kasoo qayb galay Bilowga Dawrda ayaa waxaa ay Ardayda ku dhiiri galiyeen inay ku dadaalaan Waxbarashada iyada oo Gudoomiyaha Dalada Amal uu ku dheeraaday ka hadalka Cilmiga iyo Fadligiisa isaga oo si gaar ah u tilmaamay in Cilmigu uu ka qaalisanyahay wax walba tuug kasta oo isku daya in uu kaa xadana uusan awoodayn in uu kaa furto.

Axmed Muxamed Xirsi oo ah Tababare aad ugu xeel dheer Arimaha Bulshada ayaa waxaa uu ardayda u balan qaaday in uu uga faaidayn doono Aqoontiisa Maalmaha Khamiista isaga oo Ardayda usoo bandhigay qaar kamida Mawduucyada uu damacsanyahay in uu usoo jeediyo.

Maamulka Ururka Beder oo isagu Dawradaani qabanaya ayaa waxaa uu sheegay Ardaydu marka ay dhamaystaan Dawrada in uu jiri doono Imtixaan lagu ogaanayo Aqoonta ay Ardadu xanbaareen inta ay le egtahay , iyada oo Ardada Kaalmaha koowaad gashana la gudoonsiin doono Zaaizooyin Qiima badan , guud ahaan Ardaydan lagu doonsiin doono Shahaado Cadaynaysa in uu Dawradaasi kaqayb galay.

Sikastaba ahaa Dawradaani ayaa waxaa ay qayb wayn ka tahay Nashaadaadka Dacwada ee Ururka Beder uu xiliga xagaaga ah ka qabto Magaalada Gaalkacyo.

DSC03250 DSC03244 DSC03238

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Gaalkacyo, Somalia

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com