World Cup Brazil 2014: Ciyaarti Ingiriiska Iyo Talyaaniga 1-2 Ku Dhamaatay.

0

Kulankii labaad ee qaybta D ee tartanka koobka adduunka ayna isaga horyimaadeen xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga una muuqday mid barbardhac ku dhamaanaya ayaa waxaa ugu dambayntii guushii ku raacday xulka dalka Talyaaniga 1-2 .

Marchisio ayaa goolkii ugu horeeyey u dhaliyey xulka Talyaaniga daqiiqaddii 33 aad ka dib markii uu darbad xoogan oo dhexjibaaxday daafaca England gudaha u dhigay dhinaca midi gee shabaqa Joe Hart.

Ingiriiska ayaa muddo laba daqiiqadood ah ka dib weerar culus oo ay ku qaadeen waxaa kubad baas ahayd kana timid dhinaca midig ee goosha Talyaaniga meel cidla ka helay gooldhaliyaha kooxda Liverpool Daniel Sturridge.

Qaybtii dambe ayaa ku bilaabatay sidii ay tii hore ku dhamaatay waxaana kubadda inta badan haystay xulka Talyaaniga iyo rugcadaagooda Pirlo waxaana mar kale daqiiqaddii 49 aad u suuragashay xulka Talyaaniga in ay helaan gool ay si wanaagsan uga soo shaqeeyeen kana yimid dhinaca bidix ee daafaca Ingiriiska oo caawa aad daciif u ahaa waxaana kubad karoos ahayd ee uu soo saaray cayaaryahan Candreva madaxa si fudud ugu dhaliyey gooldhaliyaha kooxda Milan Balotelli.

Xulka Ingiriiska oo u badnaa dhalinyaro ku cusub tartankan koobka adduunka ayaa caawa aad ula cayaaray xulka waayaraga ah ee Talyaaniga inkastoo aysan ka faaiidaysan fursadihii ay abuureen oo ugu yaraan laba gool ay ku heli kareen.

“Xulka Talyaanigu waa xul wanaagsan waanan ogayn in ay si wanaagsan u cayaari doonaan iyo waxa ay awoodaan in ay sameeyaan. Waan ka xunahay in aanan wax dhibca ah ka helin cayaartan.” Ayuu yiri kabtanka xulka Ingiriiska Stefan gerrard.

Xulka Ingiriiska ayaa kulanka labaad maalinta Khamiista ah uga hortagi doona xulka Uruguay oo ayaguna guuldarro kala kulmay cayaartoodii ay Costa Rica uga hortageen waxaanan ay cayaartan u tahay labada xulba kama dambays oo kale.

england vs italy

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com