Brazil 2014: Ciyaarta Caawa Oo Dhexmareeysa Netherlands VS Spain.

0

Muqdisho (AGGM): Waxaan la soo laabanay shanti xaqiiqo ee aan idinkaga soo gudbin doono kulanka ugu xiisaha badan maalin walba Koobka Adduunka haddii Eebe idmo.

Kulankaasna Caawa waa Spain v Netherlands.

Wesley Sneijder ayaa ku dhow inuu safto kulankiisii 100aad ee Netherlands. Waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii lixaad ee 100 kulan ama wax ka badan u safta Holland ka dib Edwin van der Sar (130), Frank de Boer (112), Rafael van der Vaart (109), Giovanni van Bronckhorst (106) iyo Phillip Cocu (101).

Van Bronckhorst iyo Cocu ayaa sidoo kale kulankoodii 100aad saftay ciyaar Koob Adduun ah.

holland

Iker Casillas ayaa ciyaari doona koobkiisii sideedaad ee weyn Koob Adduun iyo Yurub. Kaliyah al ciyaaryahan oo Yurub ah ayaa ciyaaray in intaas ka badan waana 9 koob xiddigii hore ee Jarmalka Lothar Mathaus. Tan iyo Euro 2000, Casillas ayaa ugu yaraan qeyb ka ahaa xulka Spain.

Goolhayaha Italy Gigi Buffon ayaa isna aadaya koobkiisii sideed ee koob weyn.

Netherlands lagama badinin kulankooda ugu horeeya ee Koob Adduun muddo 76 sanadood ah. 1938dii waxaa 3-0 kaga badisay Czechoslovakia.

Spain waxaa laga badiyay kulankoodii furitaanka 2010 ee ay la ciyaareen Switzerland.

Holland ayaa badisay ciyaatooda kaliya ee ay ciyaareen maalin jimce ah taariikh 13 iyagoo France 4-1 kaga badiyay koobkii Euro 2008. Spain ayaa ciyaari doontaa kulankoodii ugu horeysay ee maalintaan oo kale.

Labadaan kooxood ayaa arkaya kulankooda ugu horeeya ee Koobka Adduunka kooxo ay isku arkeen kulankoodii ugu danbeysay ee Koobkii Adduun ee kan ka horeeyay.

Waxaana ay tani soo dhacday kaliya labo jeer kale USA (v Ghana, 2010, 2014) and Republic of Ireland (v Italy, 1990, 1994).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com