Top News: Soomaaliya Oo Lagu Casuumay Xafladda Furitaanka Ciyaaraha Adduunka.

0

Sao Paulo (AGGM):Wafdi ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku sugan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil si ay uga qeybgalaan furitaanka tartanka koobka aduunka ee caawo ka furmaya waddankaas.

Xubnaha wafdiga waxaa kamid ah guddoomiyaha xiriirka Soomaaliya ee kubbadda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cali Cabdi Max’ed (Cali Shiino) iyo xoghayaha guud ee xiriirka Cabdiqani Saciid Carab, iyada oo furitaanka kaddib ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale ay Brazil kaga qeybqaadanayaan shirka sanadlaha ee ururka kubbadda cagta adduunka ee FIFA.

Xoghayaha ayaa xusay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan ku dayasho dhanka kubbadda ah oo ay uga daydaan dadka reer Brazil oo uu sheegay in meel kasta oo bannaan ah oo ku taalla waddanka lagu ciyaaro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com