Xasillinta iyo Siyaasadda Federalaynta gobollada koonfureed ee Somalia: Qas iyo Rajo Xumo. W/Q Eng Luqmaan Siciid.

0

Marka aad rabto inaad ka hadasho dhaliil Hoggaamiye waxaa lama huraan ah inaad qeexdo Hoggaamin waxay tahay,Hoggaaminta ayaa asal ahaan ku siman ammin dheer oo ka soo bilaabanta abuurtaankii aadamaha. Saddex haddii la noqdo, waa siduu Nebigeenii suubanaa(NNKH) ina faree, waa in mid hoggaamiye loo doortaa. Haa, hoggaamintu sidaasi bay lama huraan u tahay waayo sanku-neeflaha ayaa ah mid aan ka maarmin hab iyo hannaan kala wada, oo soo dabaala nidaam macno leh , si loo yeesho hiraal mug leh, loonna gaaro ula jeedo laga mideysan yahay. Haykalkaasina barida salka ma dhigi karo haddaan la helin hoggaamin himilooyinka guud ee dadka mideysa.

Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa waxay dadku aaminsan yihiin – dabcan ma aha dadkoo dhan, waa se dadka hormoodka u ah isbedelka la rabo.

Hadaba, waxaa isweydiin mudan, wax ay hoggaamintu tahay? Maxayse faa’iido u leedahay bini’aadamka? Ilaa haatan lama hayo qeexid si dhab ah isugu xoorsatay rasmi ahaan waxay hoggaamintu tahay. Lama odhan karo si huffan looma qeexin, bal se waan la helin mid dhamaan walxaha hoggaamintu ka kooban tahay meel ku weelaysa. Waxaan se la hilmaami karin raggii u hawl galay, isuna deyey inay macno qurxoon u sameeyaan.

Haddaba waxaan aaminsanahay in  Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uusan laheyn aqoon ku filan oo uu ku wajeho dhibaatada baaxadda weyn leh ee ka jirta soomaaliya, qaas ahaan siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibeddaba,waayo waxaa muuqata inuu ku fashilmay wax ka qabashadoodii, xaaladduna maantay bay ugu xun tahay ama u cakiran tahay, soomaalidu waxaay tiraahdaa “ Hal ninkii lahaaa dabada kaga taagan yahay ma kici karto” waayo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali wuxuu u muuqdaa nin asagu abuuranaya mushkuladaha iyo xaaladaha cakiranba  marka la fiiriyo habdhaqankiisa siyaasadeed ma ahan kuwo ka turjumaya sidii dowladnimo lagu gaari lahaa waayo waan wada og nahay ineysan soomaaliya dowlad ka jirin laakiin waxaay aheyd in Xukuumadda abuurto ama keenta xalkii lagu gaari lahaa nadaam dowladnimo ee soomaaliya ka hana qaada am ka hirgala.

Waddan dowladnimo ma sheegan karo marka dhaqaalaha lagaa haysto,marka Amniga uusan gacantaada ku jirin laakiin cid kale sugto amnigaaga, marka siyaasadda laguu yeeriyo oo aysan aheyn kefer adiga kaa yimid, sidaa awgeed ayeysan dowlad soomaaliya uga jirin haddii anaan aheyn dad walaan oo maskaxda ka jiran.

Arrimahaas sidaa u cakiran baa laga sugayey inuu C/weli Sh Axmed wax ka qabto ugu yaraan, laakiin hadda taas ma muuqato. Haddii aan soo qaato arrimaha gudaha waxaa muuqata iney sii cakirmayaan ama sii adkaanayaan, tusaale Kismaayo waxaa jooga koox sheegata iney ka taliyaan seddex Gobol kalana ah : Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada dhexe iyo Gobolka Jubbada Hoose, Baydhabo waxaa ka jira laba maamul mid seddex Gobol ah iyo mid Lix Gobol ah, labada Shabeelle waxaa ka jira Maamul ah labadaas Gobol,waxaa kale oo jira maamul asna ka kooban labada Gobol ee kala ah Hiiraan iyo Bakool( west-land state), Gobolka Gedo waxaa kala sheeganaya Maamulka ka jira Kismaayo iyo Maamulka Lixda Gobol ee ka jira Baydhabo,Shabeelaha hoose wuxuu ku jiraa maamulka lixda Gobol, wuxuu kaloo ku jiraa maamulka seddexda Gobol, kuwaas oo ka wada dhisan magaalada baydhabo, isla markaana Shabeelaha hoose wuxuu ku jiraa maamulka looga dhawaaqay Degmada Afgooye looguna magac daray Shabeelle state, Gobolka Bakool waxaa kala sheeganaya maamulada lixda gobol kan seddexda Gobol, iyo kan west-land state,waxaas oo dhan xaggee ka yimaadeen,waxaa laga dhaxalay siyaasad xumida Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xukuumadda uu Hoggaamiyo C/weli Shekh waayo waxay si aan Dastuuri aheyn Aqoonsi siiyey Koox ay wateen dowladaha deriska lah soomaaliya,waa kooxda Raaskaabooniyiinta waana taariikh dheer halkaan kuma soo koobi karno laakiin waxaay qeyb ka tahay xil gudasho la’aanta madaxweynaha hadda faraqa looga dhegen yahay,Xasan Sheikh kuma xisaabtamin maxaa kaaga imaan kara mustaqbalka siyaasadaada habsami u socodkeeda saameyn noocee ah bay ku yeelan kartaa xagal daacsanaanta aad siineysid koox ay wataan Itoobiya iyo Kenya.

Haddii aan fiirino Socdaalkii uu Kismaayo ku tagay Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed magaalada Kismaayo wuxuu horseed mar kale u noqday fashil baahsan oo soo wajahay siyaasadiisa kaddib markii qaar kamid ah beelaha deeganadaasi dagan uu la saftay mid kamid ah halka qaarna uu amray inay hubkooda ku wareejiyaan Jabhad iskuna dhiibaan, waxaana taasi ay keentay kalsooni daro ayu beelaha qaar u qaadeen Xukuumadda C/weli.

Tusaale Dhacdooyinkii is-xig-xigay ee Fashilka u horseeday C/weli.     

1-  Safaarkii uu ku tagay Magaalada Kismaayo waxaa uu ahaa mid guul daro ku soo dhamaday waxaana safarkaasi uu sababay in  beelaha Ogaden iyo Marexaan ay si weyn u sii kale fogadan sido kale Safarkaas ayaa waxa uu sababay in  beesha uu kasoo jeedo Cabdiweli ay kalsoonida kala laabtaan baarlamaanka Soomaaliyana  ka  dalbadan in uu xilka ka qaado.

2- Ra’iisul Wasaare C/weli  ayaa sido kale  waxaa uu ku fashilmay  colaad horleh-na galiyey Gobolka Sh/hoose  asagoo dhinacyadii isku hayay dhinac la saftay qaas ahaan waxaa uu si toos ah ula saftay  beelaha Biyamaal iyo Dir halka u dhabarka u jeediyay beesha Habargidir oo si weyn u dagan Gobolka sh/hoose.

-Ra’iisul Wasaaraha ayaa sido kale lagu edeyay in uu qayb ka yahay dagaaladi ka dhacay Gobolka Gedo  iyo xiisadaha wali ka tagan gobolkaasi  waxaana Raisal wasaraha uu qorshaynayaa in gobolka gedo uu u gacan galiyo  Hoggaamiye Axmed Madoobe.

3-Ra’iisul Wasaare C/weli  wuxuu  sido kale si weyn ugu fashilmay xiisada ka tagan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ee u dhaxaysa Maamulka lixda gobol iyo midka saddexda gobol waxaana  wadahadal u dhexeyay Dowlada Somalia iyo Madoobe Nuunow uu ku soo dhamaday is fahan la,an .

-Shalay ayay ahayd Marki  Taageereyaasha  Maamulka koonfur galbeed ay dab qabadsiyeen Masawirka Raisal wasaraha Somalia  Abdiweli Sh Axmed oo ay u arkaan in u yahay nin dadka lixda gobol dagan dhibaato ku ah mustaqbalkooda Siyaasadeed.

4-Dadajinta dhismaha Barlamanka Maamulka Jubba oo ay dabada ka rixayeen  Raisal-wsaaraha Somalia iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ayana fashil soo wajahan Kadib markii Dowlada Maraykanka iyo UN ay ka biyo diideen  in Barlamaan la dhiso ayado aan la qaban wajigii labaad ee  Shirka dib-u-heshiisinta  Gobolada jubboyinka iyo Gedo waxaana ay akhirkii noqotay in la qaato taladii Maraykanka iyo UN ka.

5- Qodobka ugu danbeya ee ay ku fashilantay Dowlada Fadaralka Somalia ayaa waxaa uu yahay  wada shaqayn la,anta ka dhaxaysa  Madaxweynaha iyo Raisalwasaraha Somalia  ayado usbucaani ay ku soo biiren Golaha Wasiirada Somalia waxaana qaar ka mid ah Golaha wasiirada  laga wayay Shirkii Usbuclaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somalia taas oo mujinaysa in Khilaafka labada Masul ee ugu saraysa Dowlada Fadaraalka u faraha ka sii baxayo.

“Qaranna ma gaari karo gobanimada runta ah ilaa intii  Madaxdiisu aynan diyaar u ahayn dhibaato, dagaal badan iyo guntigoo dhiisha ay iskaga dhigaan, ayna muujiyaan daacad iyo daryeelidda danaha dadka.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Siyaad.

Waxaan xasuustaa Ra’iisul wasaare Cabdi-weli ka qeyb galay seminar ku saabsanaaa Garsoorka kaasoo lagu qabtay Muqdisho,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa in shacabka soomaaliyeed iyo muwaadin kasta oo ah soomaali u baahan yahay inuu helo Garsoor iyo Caddaalad,laakiin su’aashu waxaay tahay Ra’iisul wasaare Cabdi-weli asagu ma ka sameeyey caddaalad iyo Garsoor xaq ah kismaayo, Gedo, Marka, iyo Beydhabo? Jawaabtu waa maya aniga sida aan aaminsanahay wuxuuna sameeyey wax aan caqli gal aheyn dad badanna ay la yaaban yihiin hab dhaqanka Cabdi-weli. Malaha Cabdi-weli ma uusan fahmin in heshiishkii AddisAbaba ahaa mid asaga xukuumaddiisa ka horreeyey aheydna in loo fuliyo sida uu yahay iyadoo aan cidna lagu naas nuujin, waayo naas nuujin caddaalad iyo garsoor shaqo kuma lahan. Haddii aan fahano heshiish marka la isla gaaro ama la isku raaco wuxuu noqonayaa sharci isla markaana qasab ah in loo fuliyo sida uu yahay, ciddii fulin weyda ama isku dayda iney qalmaroojin ku sameyso waxaay noqoneysaa dembiile mudan tilaabo laga qaado,waxaana taas sida muuqata ku sifoobay Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,wakiilka IGAD ee soomaaliya Afeey, Ra’iisul wasaare Cabdi-weli.

Sidaa awgeed waxaay arrintaan guracan wax ka qabadkeeda u taallaa Baarlamaanka soomaaliya waayo waxaay daawanayaan xalaado cakiran xalna u baahan, waxaana looga baahan yahay  baarlamaanka soomaaliya inuu dib u eegis ku sameeyo Heshiiskii AddisAbaba iyo tilaabooyinka uu qaaday Axmed Madoobe, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Afeey,iyo Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Jaalle Cabdi-weli oo la yimid feker aan ka shaqaneyn soomaaliya isla markaana kala fogeeynaya beelaha soomaaliyeed ee u baahan is fahan, is cafis,ku wada noolaanshaha nabad iyo dowladnimo.

Waxaa diyaariyey Eng Luqmaan Siciid.

E-mail. Luqmaan254@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com