Dhageyso: Wasiirka Amniga Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleedka Ka Socda Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Muqdisho (AGGM): Sii hayaha Xilka Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud oo maanta ka hadlay Munaasabad uu xilka kala waereegayay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariin Xuseen guuleed oo ka dhacday Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Mar kale dagaal beeleed uu ka dhaco Gobolka Shabeelaha Hoose isagoo sheegay in dowladdu ay qorsheyneysay In Howl gallo ay ku qaado deegaanada Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Baaqa Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ku simaha Wasiirka ayaa waxa uu imaanaya xilli dagaallo iyo Colaado laga soo sheegayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com