Dhageyso: Danjire Al Nadif Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya Iyo In Ciidamada Kenya Ay Ka Baxayaan Magaalada Kismaayo”.

0

Nairobi (AGGM):Danjiraha AMISOM ee Soomaaliya Maxamed Saalax Al Nadif ayaa mar uu waresi gaara siinayay idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegayn in howlgalka AMISOM uu culeeys ku yahay khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareeysa dalka.

Dhinaca kale Danjire Al Nadif ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo lana geeynayo goobo kale shaqadoodana ay la wareegayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka socda AMISOM.

Danjiraha ayaa waxa uu amaanay ciidamada Jabuuti sida hufan e ay u gutaan waajibaakooda sidoo kalena waxuu sheegay in ciidamo militari iyo boolis ah oo dheeraad ah laga keenayo dalka Jabuuti.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com