Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Ma ku Habboon tahay In Loo Soo Jeediyo Inuu Iscasilo,Baarlamaankuse Ma Yahay Mid Ka Soo Baxay Waajibaadkii Loo Idmaday. W/Q. Dr Dahir Nur Jama (Dr. Truman).

0

Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uusan laheyn aqoon ku filan oo uu ku wajeho dhibaatada baaxadda weyn leh ee ka jirta soomaaliya,qaas ahaan siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibeddaba,waayo muuqata inuu ku fashilmay wax ka qabashadoodii,xaaladduna maantay bay ugu xun tahay ama u cakiran tahay,soomaalidu waxaay tiraahdaa “ Hal ninkii lahaaa dabada kaga taagan yahay ma kici karto” waayo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu u muuqdaa nin asagu abuuranaya mushkuladaha iyo xaaladaha cakiranba waayo habdhaqankiisa siyaasadeed ma ahan kuwo ka turjumaya sidii dowladnimo lagu gaari lahaa waayo waan wada og nahay ineysan soomaaliya dowlad ka jirin laakiin waxaay aheyd in Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheikh iney abuurto ama keenta xalkii lagu gaari lahaa nadaam dowladnimo oo soomaaliya ka hana qaada am aka hirgala.

Waddan dowladnimo ma sheegan karo marka dhaqaalaha lagaa heysto,marka Amniga uusan gacantaada ku jirin laakiin cid kale sugto amnigaaga, marka siyaasadda laguu yeeriyo oo aysan aheyn kefer adiga kaa yimid, sidaa awgeed ayeysan dowlad soomaaliya uga jirin haddii anaan aheyn dad walaan oo maskaxda ka jiran. Arrimahaas sidaa u cakiran baa laga sugayey inuu Xasan Sheikh wax ka qabto ugu yaraan,laakiin hadda taas ma muuqato. Haddii aan soo qaato arrimaha gudaha waxaa muuqata iney sii cakirmayaan ama sii adkaanayaan, tusaale Kismaayo waxaa jooga koox sheegata iney ka taliyaan seddex Gobol kalana ah : Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada dhexe iyo Gobolka Jubbada Hoose, Baydhabo waxaa ka jira laba maamul mid seddex Gobol ah iyo mid Lix Gobol ah, labada Shabeelle waxaa ka jira Maalul ah labadaas Gobol,waxaa kale oo jira maamul asna ka kooban labada Gobo lee kala ah Hiiraan iyo Bakool( west-land state), GobolkaGedo waxaa kala sheeganaya Maamulka ka jira Kismaayo iyo Maamulka Lixda Gobo lee ka jira Baydhabo,Shabeelaha hoose wuxuu ku jiraa maamulka lixda Gobol,wuxuu kaloo ku jiraa maamulka seddexda Gobol,kuwaas oo ka wada dhisan magaalada baydhabo, isla markaana Shabeelaha hoose wuxuu ku jiraa maamulka looga dhawaaqay Degmada Afgooye looguna magac daray Shabeelle state, Gobolka Bakool waxaa kala sheeganaya maamulada lixda gobol.kan seddexda Gobol, iyo kan west-land state,waxaas oo dhan xaggee ka yimaadeen,waxaa laga dhaxalay siyaasad xumida Madaxweyne Xasan Sheikh waayo wuxuu si aan Dastuuri aheyn Aqoonsi siiyey Koox ay wateen dowladaha deriska lah soomaaliya,waa kooxda Raaskaabooniyiinta waana taariikh dheer halkaan kuma soo koobi karno laakiin waxaay qeyb ka tahay xil gudasho la’aanta madaxweynaha hadda faraqa looga dhegen yahay,Xasan Sheikh kuma xisaabtamin maxaa kaaga imaan kara mustaqbalka siyaasadaada habsami u socodkeeda saameyn noocee ah bay ku yeelan kartaa xagal daacsanaanta aad siineysid koox ay wataan Itoobiya iyo Kenya.

Ma aaminsani iney jirto cid oraneysa Xasan Sheikh ma laheyn masuuliyadeeda, is dhex yaaca ka muuqda maamulada iska soo dabadhacaya sidii mowjadihii Hirarka oo kale. Tan waxaay qeyb weyn ka tahay xil gudasho la’aanta Madaxweynaha lagu eedeynayo,mana ahan arrin ay xukuumadda ay shaqo ku leedahay waayo Raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Dr Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid),nadaamkii ay xukumaddiisu ku shaqaneysey kuna dhisneyd in dastuurka lagu dhaqmo Xasan Sheikh asagaa maalin cad la wareegey arrintaas waana asagii Heshiiska kula galay Addis-Ababa Kooxda Raaskaambooniyiinta. Arrintaan ma ahan mid saameyn kaliya ku leh siyaasadda arrimaha gudaha ee waxay saameyn ku yeelatay siyaasadda arrimaha dibedda waayo waxaay noqoneysaa nin wadamada deriska la ah soomaaliya weliba kuwa aan dooneyn in soomaaliya dowlad ka dhalato isla markaana adeegsanaya dad damiir laawayaal ah oo soomaali sheeganaya u isticmaala sidii aysan soomaaliya uga dhalan nadaam dowladnimo si ay cagaheeda dib ugu istaagto,waxaay kuu arkayaan inaad tahay mid wixii la doono laga sameysan karo oo aan laheyn mowqaf siyaasadeed oo waddan lagu hoggaamin karo waana dhacday taas waana muran ma doonto arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu goob joog ka ahaa dhibaatada ba’an ee dadka soomaaliyeed loogu geysanayey Magaalda Nairobi ee waddanka Kenya,hadalkii ugu qurux badnaa ee uu yiraahdo Xasan Sheikh wuxuu ahaa dhibaatada Alshabaab baa iska leh,su’aashu waxaay tahay Ilamaha yar yare e naaska nuugaya , waayeelka da’da ah ee 70 ama 80 jira ma Alshabaab baa? Mug intee le’eg bay saameyn ku yeelan karaan dhinaca Amniga waddanka Kenya dadka noocaas ah! Taasna waxaay inoo sheegeysaa inuusan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku wanaagsneyn gudashada xilka loo igmaday.Cali America ahna safiirka soomaaliya u fadhiya Kenya qaas ahaan magaalada Nairobi ayaa dhextaagnaa dadkii soomaaliyeed laga soo raafay xaafadda Islii,laguna xareeyey Meel garoon ah,sidoo kale muuqaalada laga soo tabiyey Hooyooyin da’a ah isla markaana lagu cinqaabayo Gaweeri waaweynb oo aysan kori Karin,qaar kood iyagoo xijaaban gabadhaha soomaaliyeed ASkeriga Kenyaatiga dabada kaga dhagen yahay! Arrimahaas oo dhan Madaxweyne Xasan uma uusan jixin jixin waxaay ahaayeen sida kuwo uusan shaqo ku laheyn,waayo qofka oranaya Madaxweyne Xasan Sheikh ma dayacin masuuliyaddii loo igmaday. Waxaan xasuustaa markii Webiga Shabeelle qaas ahaan tuulooyin hoos yimaada Gobolka Shabeelaha dhexe oo webigu ku fatahay waxaa waqti dambe late aheyd booqosho ku tagey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waa ninka aan xattaa iska daa wax kale hal Teendho ama hal kilo wax la cuno ah ma uusan geyn waana madaxweyne dhan oo u soo safray inuu la qeybsado dhibaatada ku dhacday dadkaas maasaakiinta ah, wuxuuna awood u leeyahay inuu xattaa wax kale iska daaye inuu dadka ganacsatada ah soo aabaabulo si dadka wax loo gaarsiiyo. Xasan Sheikh Gacmo maran buu la dul istaagay,maalintaas waxaan is weydiiyey maxaa lagu doortey Xasan Sheikh haddiiba uu sidaan yahay “ Careless”!

Hadda ka hor Madaxweyne Xasan sheikh asagoo ka hadlayey wada hadalada ay dowladda soomaaliya la galeyso kooxda Gooni u goosatada ah ee uu hoggaamiyo Siilanyo,Xasan Sheikh wuxuu yiri annagu caadis siyaasadeed ma saareyno,taas waxaay muujineysaa inuusan Xasan Sheikh yahay nin Siyaasadda ku cusub waayo caadis siyaasadeed waa “Aaladda sida Hubka oo kale loo isticmaalo”laakiin Xasan ma uusan garaneyn taas. Waana fashilaad weyn marka laga eego dhinaca siyaasaddiisa ku aadan dib u heshiisiinta ama wada hadalada uu la galayo Siilaanyo iyo kooxdiisa, dhinaca kale waxaad arkeysaa maamulo qaab qabiil u yeeshey madaxweynayaal qabiil,haddana xriir caalami ah la leh wadamada deriska la ah soomaaliya iyo beesha caalamkaba, QM,islamarkaasna xattaa kama uu hadli karo,marka su’aashu waxaay tahay Madaxweyne Xasan Sheikh ma wuxuu madaxweyne u yahay Xamar oo kaliya.

Waxaay aheyd inuu soo xiro albaabada iska furan sidii Guri waqaf ah waayo hab dhaqankaan ma ahan wax shaqo ku leh nadaam dowladeed, waxaay aheyd inuu siyaasad cad la yimaado waxna ka qabto,laakiin asagii baa sameysanaya waxyaabihii caqabadda ku noqon lahaa iney dowladdiisu shaqeyso,taas waxaay sahleysaa sidii kursiga looga tuuran lahaa waayo tartanka siyaasadeed waa joogto sida nolol maalmeedka oo kale ,ma ahan micnaha mar baad guuleysatey,sidii oraahdii aheyd soomaalida waxaay tiraahdaa” Islaan roob u day waxaay moodda in roob u day cid walba” Tusaale kale haddii aan soo qaadano ama is weydiino Maamulka cusub ee loo magaacay magaalada XAMAR, ee guddoomiyaha u yahay Muungaab,laga bilaabo duqa magaalada iyo gobolka,iyo dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay waxaa loo magacaabay dad cusub. Dadka xilalka loo dhiibay kuma imaan doorasho, waxaay ku yimaadeen magacaabid( Nomination) waxaana soo magaacabay dowladda soomaaliya sida uu sheegey wasiirka arrimaha gudaha Mudane Goodax. Su;aasha meesha ku jirta waxaay tahay magaacabiidda maamulkan cusub laga sameeyey xamar mug intee le’eg buu ku leeyahay in Madaxweyne Xasan Sheikh yahay nin ku fashimay hoggaaminta waddanka, waayo dadka la magaacabay waa hal beel dhammaantood,xamarna waa caasimaddii soomaaliya sida aan wada og nahay, Xasan Sheikh Maxamuud inuusan aheyn nin siyaasi ah ama leh vision hoggamiye meel fog wax ka arka, sidee buu doonayaa inuu dib u heshiisiin u sameeyo,dadka soomaaliyeed ee siyaasiga qabiiliga ah kala fogeeyey iskugu keenayaa, haddiiba uu garan waayey iney tahay ceeb iyo fadeexo weyn inuu caasimaddii maamul la soo magaacabay ka wada dhigo hal beel kaliya sow jab kuma ahan siyaasadda Xasan Sheikh. Sidee ayaad kula hadleysaa waxna uga dhaadhiceneysaa ninka jooga Garoowe, ninka jooga Kismaayo,Ninka Jooga Hargeysa. Waxaay aheyd inuu qaar ka dhigo beelaha kale waayo habdhaqankaaan ma ahan mid soomaali isku keenaya waa mid sii kala fogeynaya, sidaan xal ma ahan waa wax sii kala dheeraneya micnaha ninba meeshiisa ha joogo, taas marka soomaaliya xal ma u keeneysaa, sidaa awgeed Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin ku fashilmay masuuliyaddii loo igmaday malahan “ Vision Hogaamiye”.

Madaxweynaha waxaa laga sugayey in hab dhaqankiisu ka sareeyo nimanka ku magacaaban madaxweynayaasha beelaha,laakiin haddii ay noqoto sida ay u dhaqmaan baan ku soconayaa taas waxaay keeneysa inaad tahay nin gudan waayey xilkii laguu igmaday iyo ballan qaadyadii aad doorashada ku gashey. Qofba meel buu wax ka eegaa aniga,magacaabiddii maamulka cusub ee XAMAR laga sameeyey waxaay u keentey dhawaac weyn dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheikh,waxaayna muujineysaa masuuliyad darro,siyaasad xumo,iyo caadifaddii ku dhisneyd qabyaaladda,soomaaliya iskuma keeni karo qof aan nadiif ka aheyn qabyaaladda. Waxaaba ka sii darran markii uu Xasan Sheikh ka soo noqday dibedda habkii loo soo dhaweeyey waxaad aheyd mid aad iyo aad u fool xun,inkastoo dad u arkayeen soo dhaweyn qurux badan, warbaahiyaasha qaarkood waxaay soo tabinayeen si aan horey loo arag baa loo soo dhaweeyey Madaxweyne Xasan Sheikh,laakiin waxaay aheyd arrin leh taariikh mugdi ah, waxaay aheyd mid ka fog sharaf iyo kaaramo masuuliyadeed,damcan, waxaay muujineysaa nin madax u ah xaafado xamar ku yaal waana fashil weyn.

Dhinaca kale Baarlamaanka soomaaliya ee oranaya Madaxweynaha xilkiisii buu gudan waayey maxaa u diyaarsan iyaga oo ay soomaaliya ku badbaadinayaan! Ma waxaay leeyihiin mabda’a siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, sow iyaga ma ahan kuwo la kala safan qabyaaladda siyaasadeedeysan ee soomaaliya lagu kala qoqobay qoloba loo sameeyey xeydaab,isla markaana hadda degaan kastaba mid kale qorta iskula jiraan, waxaan aaminsanahay ineysan adinka aheyn daacadnimo ku saleysan in soomaaliya la badbaadiyo isla markaana loo dhiibo hoggaanka waddanka qof u leh karti iyo aqoon,daacadnimo,waddani ka xanuunsanaya dhibaatada heysata ummadda soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba,Tusaale waxaan la soconnaa habkii qaladanaa ee Xukuumaddii Dr Saacid looga taqalusay waxaana loo adeegsadey Baarlamaanka,soomaaliya oo dhanna waa wada ogeyd sidii wax loo maamulay, wixii sida foosha xun u dhaqmayeyna waxaay ahaayeen baarlamaanka oo gees maray dastuurkii iyo xeer hoosaadkii ay degsadeen.

Tusaale Cabdulqadir Cosoble haddii aanan qaldaneyn magacaas ahna Xildhimaan kana mid ah kuwa hadda is casilaadda u soo jeediyey Madaxweyne Gurguurte,ayaa wax laga weydiiyey dalabkoda ku saabsan iscasilaadda madaxweynaha,waxaa wax laga weydiiyey sidii ay xilka uga qaadeen Dr Saacid,wuxuuna ku jawaabay sababta ay xilka uga qaadeen waxaay aheyd in Madaxweyne Gurguurte u sheegey baarlamaanka inuusan la qasheyn Karin Raysalwasaraha,sidaa awgeed buu yiri Cabdulqaadir Cosoble annaguna waan u fudeyney, taas waxaay muujineysaa ineysan jirin meel uu gurguurte kula shirey Baarlaamanka uguna sheegey inuusan la shaqeyn Karin Raysalwasaarihiisa laakiin aheyd inuu xubnaha baarlamaanka qaarba mar kula shirey qol mugdi ah six ilka looga qaado Dr Saacid,waana wax iska cad taas. Haddaba Baarlaamanku ma yahay mid u guta hawlihii loo igmaday, ma yihiin kuwo ku dhaqma ama ilaaliya dastuurkla dalka u yaalla, ma yihiin kuwo ay dhibeyso dhibaatada baaxadda weyn leh ee heysata shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba, ma yihiin kuwo ka nadiif ah qabyaaladda iyo caadifadda qabiilka lagu taageero,ma yihiin kuwo leh qab iyo masuuliyad kana faana iney ku dhaqmaan waxyaabaha foosha xun ee qarannimada iyo midnimada soomaaliya wax u dhimaya. Xaadaha cakiran ee maantay soomaaliya ka jira waxaay aheyd iney iyagu wax ka qabtaan aysanna cid kale la sugin waayo soomaaliya waxaay u baahan tahay samatabixin loo wajaho si hagar la’aan iyo geesinimo leh dareen wadanimo in la isku kaasahada, laakiin maadama baarlaamanku xubnaha uu ka kooban yahay ay ka soo kala jeedaan degaanada soomaaliya oo dhan, isla markaana ay ka jiraan degaanadooda maamulo beeleed leh madaxweynayaal isla markaana maamuladaas aysan wax wada shaqeyn ah la laheyn dowladda magac u yaalka uga jirta soomaaliya, mid walbana dhabarka u jeediyey. Halkaas waxaa ka muuqaneysa inuu baarlamaanku yahay kuwo dhagar qabayaal ah isla markaana u shaqeysta danahooda shaqsiga kaliya.

Waa wax jira in Madaxweyne Xasan Sheikh aheyn nin ka soo baxay ama ka soo bixi kara masuuliyaddii uu qaaday kuna dhaartey kitaabka alle,laakiin waxaa mar walba la is weydiinayo waxaay tahay baarlamaanku ma yahay mid leh qadiyad waddanimo, dareen soomaalinimo,kuwo u shaqeynaya badbaadinta dadka iyo dalka soomaaliyeed. Hooyadu haddii ay wanaagsan tahay waxaay soo saartaa caruur wanaagsan,laakiin haddii aysan aheyn hooyo wanaagsan loogama fadhiyo iney ubad wanaagsan soo saarto,sidaa awgeed baarlamaanku waa hooyadii dhashey Heyadaha kale oo dhan,laakiin waxaay u muuqdaan kuwo soo saara wax aan wanaagsaneyn , wixii wanaagsanna waa la dagaalamaan waana dumiyaan mar walba.
WQ: Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
Nuur_712345@outlok.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com