Safaarada Mareykanka Oo Ka Digtay Weerarro Argagaxiso Oo Lagu Qaado Kaniisado Ku Yaalla Dalka Uganda.

0

Kampala (AGGM): Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa ka digtay suurtagalnimada weerarro argagaxiso oo lagu qaado kaniisado ku yaalla caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

War qoraal oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in koox argagaxiso ah laga yaabo inay isku diyaarineyso inay weerarto goobaha lagu cibaadeysto ee Kampala, gaar ahaan kaniisadaha.

Safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay aadaan kaniisadaha aalaaba ay ku cibaadaystaan dadka ajnebiga ah marka la gaaro bilaha May iyo June.

Koox gaar ah laguma sheegin digniinta, hase ahaatee kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso mawjado weerarro ah oo ka dhacay dalka deriska ah ee Kenya.

Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa ciidamo u diray Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com