Wariye Mahad Cumar Diiriye oo maalintii 5aad ku xiran Xabsi ku yaala Nairobi.

0

Nairobi (AGGM): Wariye Mahad Cumar Diiriye oo ka mid ah Saxafiyiinta gobolada Jubbooyinka ayaa maalintii 5aad ku jira xabsi ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay xabsiga dhigeen ciidamada Kenya oo si xun ula dhaqmay saxafiga xili uu haystay waraaqo iyo Kaarar aqoonsi ah.

Saxafiga ayaa waxa uu la kulmay dhibaatooyin ay u gaysteen ciidanka Kenya kuwaas oo xoriyadiisa ka qaaday , una gaystay Jirdil, hanjabaad, iyo iyaga oo ku xiray meel aan wanaagsanayn.

Mahad waxa uu ka mid ahaa Boqolaal saxafiyiin ah oo ku soo qaxay Kenya kadib markii dalka ay gacantana ku dhigeen manaxayaasha Al-shabaab oo uu uga soo cararay magaaladii uu daganaa ee Kismaayo.

Waxa uu in mudaa la shaqeynayay wakaalado wareedyo Caalami ah isaga oo wax ka dhiganayay Kuliyad ku taala magaalada Nairobi, kana shaqeynayay iminka xaafiis ay leedahay UNHCR .

Mahad waxa uu qeyb ka noqday Kumanaan Soomaali ah oo si arxan daraa loogu Bahdilay magaalada nairobi kuwaas oo ilaa iminka ku jira xabsiyada Kenya halka kuwo kale loo qaaday xeryaha qaxootiga.

Saxafiyiin ku sugan Nairobi ayaa isku dayay in ay Mahad xaaladiisa la socdaan lakin waa loo diiday in xabsiga lagu booqdo, mana jirto cid weydiisay wax sharci ah ee uu haysto.

Mid ka mid ah saxiibadiis ayaa sheegay in markii Mahad la qabanayay uu la soo baxay Kaarka uu uga shaqeeyo UNHCR-ta lakin waa laga diiday waxa kale oo uu la soo baxay waraaqo sharci ah oo uu dalka ku joogay wana laga diiday, waxayna taasi soo dadajisay in xabsiga la dhigo, mana cada talaabada xigta ee Mahad Cumar Diiriye lagu samayn doono.

Wxaan ku howlanahay raadinta xog la xariirta.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com