Jabhado dagaal ku bilaabay Dawlada Somaliya

0

Iyadoo dowlada mudooyinkaan ay waday dagaal lagula jiro Al Shabaab kaas oo ay iska Kaashanayaan ciidamada miletariga iyo kuwa AMISOM ayaa waxa soo baxaya in gobollada qaar laga aas aaso ciidamo u abaabulan  qab Jabhadeed waxana Hogaaminaya Saraakiil katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Korneel Geeseey Indhoole horay waxa uu uga mid ahaa Saraakiisha Hogaaminaysay Ciidamada Shabaab ka saaray degmooyin katirsan gobollada Sh/Hoose iyo Sh/dhexe hase-ahaatee hadda waxa uu u Xuubsiibtay inuu  hogaamiyo ciidamo weerar toos ah ku soo qaada milateriga iyo Nabad Sugida kusugan gobolladaasi waxana wararku sheegayaan in dhowr weerar ciidamadiisu  ku dileen ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Miletari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in la soo xiro Korneelkaan lagu magacaabo Geesay Indhoole waa sida aan warka ku heynee inkastoo aysan muuqan tilaabadaasi.

Ragga kale ee Dowlada dagaalka kala hor yimid  waxa kamid Gudoomiyihii hore degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo inta aan laga qaadin Maamulka Degmadaasi ciidamo ka amar qaata ay maalin cad  weerar  ku qaadeen ciidamo Boolis ah Islamarkaana u socday Magaalada Jowhar.

Cusmaan Xaadoole ayaa ciidamo uu wato isna waxa ay ku jiran dhul howd ah oo hoostaga degmada Balcad waxaana  amar  lagu bixiyey in la soo xiro wallow aysan muuqaan  Ififaalo lagu soo xiro isagoo  meesha uu joogo ay ugu tageen  koox uu hor kacayey Fanaanka Maxamed Xasan Barrow iyaga oo u soo dhigay barnaamij isaga quseeyey.

Ciidamada Korneel Geesay Indhoole iyo Cusmaan Xaadoole ayaa markii ay dagaalka lagalayaan ciidamada dowlada waxa la sheegay inay isku soo gurmadaan.

Ciidamadaan qaabka Jabhad ahaanta ah u galay duurka Islamarkaana ay hor kacayaan ragga aan magacaabnay ayaa waxa la sheegayaa inay ka dambeeyaan aas aaskooda Siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiro Ra’isulwsaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waa sida wararku sheegayan kuwaas oo dhamaan isku hayb ah.