Dhageyso:Wasiirka Amniga oo Baarlamanka maanta hor imaanay

0

Muqdisho(AGGM): Wasiirka Amniga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta Hor tagaya Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana C/kariin Guuleed uu Mudo Labo Jeer ah ka Baaqday In uu Baarlamaanka Hortago.

Baarlamaanka ayaa intaa u Baaqanayey Kooram La’aan,waxaana maanta la shaaciyey in Wasiirka Amniga maanta Baarlamanka hor imaanayo si wax looga weydiiyo Amaanka Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in maanta ay Fadhiga soo Xaadiraan oo ay Kooramka soo Buuxiyaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/Jaawaariya.mp3

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com