Dhageyso:Maamulka Baledxaawo oo ka Hadlay Nabadoon Degmada lagu Dilay

0

 

Baled-Xaawo(AGGM):Maamulka Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ku Raadjoogaan Dil Xalay Degmada loogu geeystay Nabadoon Lagu Magacaabi jiray Aadan Dheere oo lagu Dilay Gudaha Magaalada Balad-xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in Saddex Ruux oo Bastoolado ku Hubeysan ay Nabadoonka Toogteen Xili uu ka soo baxay Masaajid ku yaala Xaafadiisa oo uu ku soo Tukaday.

Waxaa Maamulka uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ay wadaan Baaritaano lagu wado Dadkii Falkaas ka danbeyey.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

 

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/Nabadoon.mp3

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com