Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Iyo Wasiir Axmed Cali Salaad Taako Oo Maalinnimada Beri Ah Ku Soo Wajahan Muqdisho, Ka Dib Markii Ay Ku Fashilmeen Qorshihii Guracnaa Ee Ay U Joogeen Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in abaanduulaha ciidamada dowladda Gen Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Cali Salaad Taako ay maalinimada beri ah (AXAD) dib ugu soo laabanayaa magaalada Muqdisho ka dib markii ay ku soo fashilmeen qorshihi guracnaa ee ay u jogeen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Gen Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo Axmed Cali Salaad Taako ay magaalada Kismaayo u joogeen shir lagu sheegay inuu ahaa dib u heshiisiin balse aan ka soo bixin wax natiijo ah oo uu ku soo dhamaaday Shimbirayahow Heesa.

Ujeedka shirkan ayaa waxa uu ahaa Qandaraas heshiis ay ku ahaayeen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo kooxaha ku sugan magaalada Kismaayo kaa oo 9 milyan oo doolar lagu kala qeeybsanayay.

Xogaha soo gaaraya warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in 9-kaa milyan ee doolar hadda la qaatay 3 milyan oo lagu sheegay in shirar lagu qabanayo balse xaqiiqdu ay tahay in ay kala qeeybsadeen kooxda wadata qorshahan welina aydhiman tahay 6 milyan oo shuruuda dul taala bixinteeda ay tahay in ay soo xaroodaan ciidamada fariisimaha ku leh deegaanka Goobweeyn.

Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo Axmed Cali Salaad Taako ayaa wax ay u joogeen magaalada Kismaayo iyagoo wakiil ka ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed geed dheer iyo geed gaabana u fuuleen sidii ay usoo xaroon lahaayeen ciidamada Goobweeyn balse waa ay ku fashilmeen taas ayaana sababeeysa inay maalinnimada beri ah (AXAD) ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Magalada Kismaayo kama dhicin shir dib u heshiisiin oo dhab ah,waxaa ka dhacay shir lagu doonayay in lagu xalaaleeysto 9 milyan oo doolar, maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina dib u heshiisiin dooni maayaan diyaarna umma ahan, R/wasaare Cabdiweli Sheekh, Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, Axmed Cali Salaad Taako iyo Horjoogeyaasha Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo waxay ku heshiiyeen inay lacagta wada qeeybsadaan ee heshiiskoodu ma,ahan mid dan amaba xal u ah dadka daga gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale waxaa teer iyo shalay ka socotay gudaha magaalada Kismaayo qaban qaabo lagu doonayay in loogu diro deegaanka Goobweeyn odayaal dhaqan oo isku dhaf ah, taasina waxaa si cad saaka aroorti marki ay odayaasha doonayeen inay u anbabaxaa dhanka Goobweeyn is hortaagay saraakiisha iyo ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo, taas oo dadka u muujin karta waxa ka socda Kismaayo inay yihiin (Shimbirayahow Heesa, Hees Wanaagsan Heesa).

Isku soo wada duuboo Fari Kama Qodna Faanoole xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa maalinba maalinta ka danbeysa ku sii dhacaysaa god dheer iyadoo haddana ay mareyso meeshii ugu xumeed, taa oo ah in dhamaan kooxaha ku shiraya Kismaayo ay Xoolo doon yihiin ee aysan ahayn Xal doon, taa oo sii laba jibaaraysa xaalada murugsan ee gobolada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com