Deg Deg:- Nabadoon Caan ka ahaa Balad-xaawo oo Caawa lagu Dilay

0

Baled-Xaawo(AGGM):Wararka ka imaanaya Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gado ayaa sheegaya in Kooxo Hubeysan ay Caawa ku Dileen Nabadoon Caan ka ahaa Gobolka Gedo.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu Magacaabaa Aadan Dheere,waxaana Dilka Fuliyey Labo Ruux oo Bastoolado ku Hubeysan sida Wararka ay sheegayaa.

Wararka aya intaa ku Daray in Nabadoonka uu Xiliga Dilka loogeysanayey ka soo baxay Masaajid ku yaala Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com