Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdiweli Sheekh
Axmed u saxiixay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni 9 milyan oo doolar oo ah lacagaha loogu magac daray horumarinta gobolada.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu saxiixay warqada ogolaanshaha lacagtaas oo
gacanta ay u galeeyso maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamniyo Axmed Madoobe.
Lacagtan ayaa horey waxaa u hor istaagay R/wasaare Saacid Faarax Shirdoon ka dib markii uu cuskaday in dadka
goboalada Jubbooyinka uu ka dhex jiro khilaaf baahsan oo u dhexeeya dadka daga gobolada Jubbooyinka iyo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, lacagtana la fasaxayo markii la helo maamul dadka u wada dhan yihiin loona sameeyo shirweyne dib u heshiisiin dadka daga goboladaasi.
R/wasaare Cabdiweli ayaa shalay qalinka ku duugay in aduun dhan 9 milyan oo doolar gacanta loo gasho
horjoogayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, taa oo ay dadku si aad ah ulla yaaban yihiin sababta ku kaliftay
waloow la sheegayo in uu lacagtaas qeeyb ka mid ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh shaqsiyan isaga qaadanayo.
Dhinaca kale shirka ka socday maalmahan magaalada Kismaayo ee lagu sheegay in uu yahay dib u heshiisiin ayaa waxaa lagu xalaaleenayay sidii loo qaadan lahaa lacagtan 9-ka milyan ee doolar ah, balse ma uu ahayn shir dhab ah oo dib u heshiisiineed.
Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa waxaa soo baxay
fadeexadaha cusub ee soo wajahaya mana jiraan wax war ah oo beeninaya wararkan oo ka soo baxaya xafiiskiisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com