XASUUQA KENYA KU HEYSO SHACABKA SOOMAALIYEED IYO MASUULIYADDA DARRADA MADAXDA DOWALDDA SOOMAALIYED BY. Dr. Dahir Nur Jama (Dr. Truman)

0

Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibaatada ummadda soomaaliyeed ku heysata dacallada adduunka, qaas ahaan xasuuqa iyo bahdilka ay Dowladda kenya ku heyso shacabka soomaaliyeed ee nabad gelyada u soo doontay waddankeeda, ka dib markii waddanka soomaaliya dhibaatada dagaalka sokeeya saameysey. Waa wax ka baxsan Bini’aadnimada iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo ilbaxnimada iyo xaddaaradda dunida in sidaa loola dhaqmay shacabka soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, waxaayna Dowladda Kenya jabisey qawaaniinta dunida qaas ahaaan sharuucda ku saabsan xaquuq iisaanka iyo kuwa ku saabsan nabad gelyo doonka iyo qaxootinimada sida Geneva Convention in 1951. Dowladda Kenya waxaay ku andacootay ama mar marsiinyo ka dhigatey iney u cabsi qabto dhinaca nabad gelyada waddankeeda,laakiin su’aashu waxaay tahay yaa looga cabsi qabi karaa arrinta ku saabsan dhinaca nabad gelyada? Ma caruur yar yar oo ay ku jiraan kuwo naaska nuugaya, hooyooyin da’doodu dhaaftay 70 sano ama ka badan miyaa la oran karaa waa dad looga cabsi qabo dhinaca nabad gelyada?

Jawaabtu waa maya,laakiin waa arriin ay dowladda Kenya ugu bareertey iney xasuuq ba’an iyo bahdil ka baxsan caqliga bini’aadamka, waana siyaasadaha lagu yaqaanno gumeysiga marka uu doonayo inuu ummad kale xoog ku qabsado, waa inuu marka hore bahdilaa dadka weliba ka bilaabaa bahdilka dadka soomaalidu tiraahdo ” Birmageydo-afka Englishkana lagu yiraahdo”vunerable people”waayo marka aad si ba’an u dhabaateysid dadka ah birmageyda maxaay filayaan dadka kale ee aan ku jirin birmageyda,micnaha waa kii qeyrkii loo xiireyoow soo qoyso.

Sababta Dowladda Kenya ugu bareerteyna waxaay ogaatay daraasadna ku sameysey in shacabka soomaaliyeed yihiin sida dad aan dowlad laheyn, dad ah “ceelna uma qodna,cidna uma maqna” waxaa kale oo ay daraasaad ku sameysey shaqsiyaadka soomaalida a ee sheeganaya iney madax u yihiin shacabka soomaaliyeed,waxaayna ogaatey iney yihiin dad aad u liita haddana kursi jecel, iney yihiin dad damiirkoodu aad u hooseeyo, waddanimadoodu hooseyso,waana sababta looga waayey shaqsi masuul ah ku hadlaaya magaca dowladda soomaaliya inuu xattaa muujiyo sida uu uga xun yahay habka bahalnimada ah ee dowladda Kenya ula dhaqmeyso shacabka soomaaliyeed ee ku sugan waddankeeda. Waxaan u jeednaa isla markaana ka daawaneynaa shaashadaha TV-yada kuwo ku hadla afka soomaaliga iyo TV-yada kale caalamka sida foosha xun ay Dowladda Kenya ula dhaqmeyso shacab leh caruur iyo hooyooyin aan waxba galabsan in sidaa loola dhaqmo,loona bahdilo waa murugo iyo xanuun badan aan laheyn daawo bugsiin karta ilaa shacabka soomaaliyeed u midoobaan isla markaana ogaadaan inaan shaqsi qabiil lagu taageeray uusan waxba u qabaneyn, waayo maantay waad u jeedaan kuwii lahaa waxaan nahay madaxda ummaadda soomaaliyeed haddana meel walba la taagnaa waa nala aqoonsaday inuu afkoodii juuqda gabay,xattaa qaarkood laga soo xigtey iney isku mowqif ka yihiin madaxa dowladda Kenya dhibaatada ay u geeysanayaan “maatada” soomaaliyeed , caruurta ooyneysa, hooyooyinka ooynaya, xanuun badanaa, dadkaas ilmadu ka qubaneyso leh saqiir iyo kabiir waxaa dhex taagnaa safiirka soomaaliya ee kenya u fadhiya Ali America.

Dowladda soomaaliya waxaay dayacday shacabkii soomaaliyeed ee ay u dhaarteen iney dadka,dalka iyo diinta difaaci doonaan,waxaan aragney Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo dhextaagan Nairobi, isla markaasna caruurtii iyo hooyooyinkii soomaaliyeed laga soo aruuriyey ISlii, laguna xareeyey meel leh silig wareegsan sida meelaha lagu xareeyo xawaanaadka dilaaga ah,sidaan ma wax la aqbali karaa ,yuu madaxweyne u yahay haddii uusan u hadli karin marka shacabkiisu dhibaateysan yahay! waa nasiib darro madaxweynenimooy xaal qaada waa gef weyn in sidaa lagu sheegto madaxweynenimo!, Madaxweynimada waxaa kaloo shaagta kuwo badan sida Gaas, Siilaanyo,midna kama hadlin afkaa juqda gabay, marka shacabka soomaaliya la dhibaateynayo qaas ahaan caruurta naaska nuugaya weliba loo diidey iney hooyadii dhashay ilmaha nuujiso, waayeelka ooynaaya weliba dumarka ah, laguna hayo meel aan laheyn wax roobka, dabeysha,dhaxanta looga gabado, laakiin dadkaas sheeganaya Madaxweynimada ha haado mid sheegta madaxweyne soomaaliyeed, mid sheegta madaxweyne koox qabiil meel isku urursatey marka ay doonayaan danaha ay ka leeyihiin Kenya iyo Itoobiya waxaay sheegtaan kuna faanaan iney tageen waddamadaas, laakiin kama hadli karaan marka la dhibaateynayo shacabkooda, taas waxaay na bareysaa iney dhammaantood yihiin dad kuraasta ay ku fadhiyaan haddii ay noqon laheyd mid sheegta magaca soomaali weyn, iyo mid sheegta magac kooxeed qabiil iney tahay wax loo dhiibtey,marka la doona laga qaadi karo sidaa awgeed ineysan lumin kursiga ayaa wax walba kala weyn.

Soomaaliyeey sidaan ma ahan wax geli kara caqliga Bini’aadamka xalna ma ahan dibaatada soomaaliyana kama saareyso, waxaana nagu filan sida Kenya iyo Itoobiya uugu dhiiran yihiin dhibaateynta shacabka soomaaliyeed, dadka sheeganaya iney yihiin masuuliyiin haddii ay noqon laheyd heer “Qaran iyo heer degaan” waad u jeedaan, dadka ka daqman waayey ama ka guban waayey Caruurta iyo Hooyooyinka ooynaya lagu xareeyey sidii Xayawaanka dilaaga ah”VICIOUS ANIMALS” waa arrin la micnaha wuxuu uu sameyn jirey ” Nazigii Hitler” waayo Hitler Silig wareegsan buu dadka ku xareyn jirey,intooda badanna halkaas bay ku dhiman jireen waayo ma laheyn saxay wanaagsan, cunto lama siin jirin, daawo lama siin jirin,laakiin waa la cinqaabi jirey intooda badan,arrinta dowladda kenya biloowday waa arrin u baahan la xisaabtan iyo feker soomaalinimo oo cusub kana duwan caqligii foosha xumaa ee ku dhisnaa qabiilka iyo qabyaaladda,taageeradana lagu siin jirey shaqsiyaad kursi ku doonaya qabyaalad siyaasadeysan, wax u hadlaya xaaladaha cusub ee dowladda kenya kula dhaqmeyso shacabka tabarta darran ee magan gelyada u soo doontey ma heysaan waa maya. Heydaha caalamka ee u dooda xaquuq iisaanka” Human rights”,United Nationka, beesha calaamka ma heynaa cid sida ay tahay ka hadashay dhibaatada wuxushnimada ah ee dowladda kenya kula dhaqantay shacabka soomaaliyeed ee awalba dhibaateysnaa ma jirtaa waa maya, isla markaasna aan wada og nahay marka “Laba BUFFALO” is hirdiyaan afka ayey furtaan laakiin caruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed ma lahan xaquuq iisaan!. Shacabka soomaaliyeed waa iney gacmaha is qabsadaan iskana daayaan dullinimada hallaagga u keentey waana qabyaaladda foosha xun ee ay doonayaan iney wax ku noqdaan kuwo aan waxba iidiin aheyn iney suuqa idin geeyaan mooyee, maantay ma dhacdeen sida kenya u bahdileyso dadkeenii weliba maatada ah, sidaa waxaa sababteeda lahaa kuwo aad iyo aad u maan gaabnaa isla markaana doonayey iney darajo ku helaan qabyaalad iyo qabiil la hubeeyey welina waa taagan tahay, waayo shacabkii xisaabtami lahaa weli lama hayo.

Isku soo wada duub, maantay shaqsiyaad badan oo sheegta iney soomaali yihiin ayaa waxaay sheegtaan iney yihiin masuuliyiin soomaaliyeed ilaa heer qaran iyo heer degaan, isla markaana taagan habeen iyo maalin Kenya iyo Itoobiya, ma aragteen cid ka hadashay Media-yada isla markaana muujisey sida ay uga xun yihiin habdhaqanka foosha xun ay Dowladda kenya ku sameyneyso muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool waddankeeda,jawaabtu waa maya, marka yaan wax ka sugeynaa ? Aniga waxaan soo jeedin lahaa inta goori goor tahay in dib loo fekero, lala yimaado caqli iyo feker qurux badan waxna u tari kara ummadda soomaaliyeed, isla markaana kuwa maantay sheeganaya madaxnimo heer kastaba ha sheegteene in tillaabo laga qaado, lagana noqdo kalsoonida, waana in beelaha soomaaliyeed u midoobaan dantooda,dantooduna waxaay ku jirtaa kuna qurux badan tahay soomaalinimada, waa in Baarlamaanka hadda jira beel kastaba xubnaha ugu jiro kala noqoto codka kalsoonida, waayo ma ahan waxaan wax qaadi karo masuuliyad ummadeed, haddii ay ku jiraan shaqsiyaad,soomaalidu waxaay tiraahdaa baruur kaliya qurmisa baruuryo badan,waayo waan ogahay iney ku jiraan baarlamaanka shaqsiyaad aad u yar ama far ku tiris ,xattaa iyagii afkaa juqda gabay! waayo xattaa fekerkooda kuma cabbirin dhabaatada soomaalida Kenya joogta loogu geeysanyo. Marka aan fiiriyo sida foosha xun ee loola dhaqmayo welina ay socoto xasuuqii ba’anaa ee lagu hayey soomaalida joogta Nairoobi iyo aamuska dadka sheeganaya iney madax u yihiin soomaaliya waa wax aad iyo aad u kala fog, waana arriin ugub ah mana ka dhicin dunida aan ku nool nahay, waxaay hal mar ka dhacday waqtigii Nazigii Hitler ,markii dadka u dhashay “Yahuudda ama Jewish” uu xasuuqayey Hitler,laakiin markaas adduunka kama jirin Dowlad jewish ah oo u hadli kartey,laakiin adduunka kale baa u hadlay waana tii keentey dagaalkii labaad ee dunida, dad baa laga yabaa ineysan sida ay tahay u fahmeyn is barbardhigga aan sameynayo waxa ka socda Nairobi iyo Nazigii Hitler wixii uu sameeyey, ka fiiri Caruurta naaska la nuujinayo hadda loo diidey iyo Hooyooyinka da’da ah ee ku xareysan xerada siliggu ku wareegsan yahay,aan laheyn meel laga galo roobka, qorraxada, dabaysha aan laheyn saxay sida biyo, musqul ama suuli iwm taas ka fekera dhibaatadaas inta ay baaxad le eg tahay.

WQ Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com