Ururka Jaamacada Carabta oo ku baaqday in degaanadii Al-shabaab laga saaray gar gaar la gaarsiiyo

0

Cairo (AGGM): Xoghayaha guud ee ururka Jaamacada Carabta Dr.Nabiil Al-carabi ayaa u sheegay wakaaladaha gargaarka Carabta ,kuwa caalamiga,Jimciyadaha laanqeerta Cas iyo hay’adaha bulshada rayidka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu dhaqaqaan dalka Somalia loogana jawaabo baahida bini aadanimo ee ka taagan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Al-carabia ayaa sheegay in jihooyinkaasi laga rabo in ay la shaqeeyaan xukuumada Somalia si loo balaariyo gargaarka caalamiga ah ee la gaarsiinayo shacabka Somalia.

Al-carabi waxa uu shaaca ka qaaday in Jaamacada Carabta ay la socoto dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Somalia iyo dhibatada bini aadanimo ee haysata qoysas ku nool Koonfurta iyo bartamada dalka.

Degaanada uu cabaabay xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta ayaa waxa ay yihiin deganadii ay sameeynta ku yeelatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com