Kismaayo: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Boqolaal Shacab Ah Xalay Guryahooda Kala Baxay.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ilaa saaka waaberigii maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay guryahooda kala baxeen boqolaal shacab ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadkaasi xlay lagala baxay guryahooda loo kala taxaabay xabsiyada ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sida gaarka ah u leeyihiin.

Boqolaalkan ruux ee xalay guryahooda lagala baxay ayaa waxa ay u badan yihiin rag dhalinyaro ah iyo haween.

Tan iyo markii ay gudaha usoo galeen ciidamada Kenya oo ay weheliyeen maleeshiyo beeledka Raaskambooni ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday dilal qorsheesan, xarig, dhac, kufsi iyo barakicin baahsan oo loo geesanayay cidaan ku heeybta ahayn maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo dadkan rayidka ah ee xalay lagala baxay guryahooda ayaa waxaan la saadaalin karin inay dib usoo laabanayaan iyagoo bad qaba, waloow dadka ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ay sheegayaan haddii ay iska baxshaan lacago laaluush oo ay siiyaan Gen. Darwiish in laga soo sii deeynayo xabsiyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com