Kenya:Lama gaarin ciidameedana in aan kala baxno dalka Soomaaliya

0

Xukuumadeenu hada ma qorsheenayso in ay ciidamadeeda difaaca kala baxdo dalka Somalia sidaasi waxa saaxafada u sheegtay wasiirka difaaca dalkaasi Kenya haweeyneeda lagu magacabo Raychelle Omamo .

Raychelle Omamo waxa ay ku sheegtay sanadkaan 2014-ka inuu yahay sanad xasaasi ah oo lagu kordhiyay dagaalka lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-shabaab,waxa ay xaqijisay in waqtigaan aysan mudneeyn in laga hadlo ama laga xaajoodo in ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia ay dalka isaga baxaan.

“Waqtigaan waa waqtigii la kordhinaayey weerarada Al-shabaab iyo amni dari ka wada gudaha dalka,ciidamadeena waxa ay u soo galeen Somalia si ay uga jawaaban weerarada kaga imaanaya Al-shabaab”sidaasi waxaa saxaafada u sheegtay Raychelle Omamo wasiirka difaaca dalka Kenya.

“Somalia waxaan u aadnay waxa ay aheyd Kenya in ay noqotay dhibanihi ugu horeeyey ee u nuglaa weerarada Al-shabaab sidaa darted ayay ciidamadena sanadii 2011-kii uga talaabeen soodinta Somalia”

Ugu dambeentii Raychelle Omamo waxa ay saxafada u sheegtay in wasaaradeeda ay dadaal ku bixisay sidii loo kordhin lahaa ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com