Muqdisho(AGGM):Xildhibaan Aweys Cabdulaahi oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa baaq u diray dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo hada dagaalo ay uga furan yihiin gobolada dhexe.
Mr Aweys ayaa warbaahinta waqti uu la hadlaayay waxa uu u sheegay in uu doonayo in Al-shabaab uu uga digaayo in ay sii joogteeyaan dhiibatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Xldhibaanka ayaa cod dheer waxa uu uu ku yiri “Al-shabaab hadii ay ku jabeen dagaalada ku furan ma ahan in ay dhibaateyaan shacabka ama dhex dooda ay madaafiic kasoo tuuraan”.
Tan iyo dulaanka ciidamada isgarabsanaya ay ka bilaabeen gobolada Koonfurta Iyo bartamaha Somalia waxaa la dareemayay Al-shabaab oo shacabka ku amray in meeshii ay ka baxaan ay iyagana iskaga guuraan ama ay ula dagaalamayaal sida ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Bishaan gudaheeda ayaa dhowr degmo laga saaray dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo ay kujiraan degaano muhiim u ah sida Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud.
Halkaan Hooso ka dhageyso
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com