Ceelbuur(AGGM): faahfaahin ayaa ka soo baxaysa Qaabka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ula Wareegeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Wararkii ugu danbeyey ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay Magaalada Ceelbuur ay ka wadaan Baaritaano Xoogan oo lagu Xaqiijinayo Amaanka Degmada.
Ciidamada ayaa waxaa sidoo kale ay Fariisom ka Sameysteen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa sidoo kale Gudoomiyahay Degmada Gurceel iyo Mas’uuliyiin kale oo la socda Ciidamada lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Shacabka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com