Dhageyso: Abaanduulaha Ciidamada XDS Jen. C/risaaq Khaliif “Waa Sii Soconayaan Howlgalada Ka Dhanka Ah Al Shabaab”.

0

Qoryoleey (AGGM): Abaanduulaha Ciidamada XDS Jen. C/risaaq Khaliif, oo saakay wareysi siinayay Idaacada BBC, ayaa sheegay ineey sii socon doonaan howlgalada shabaab looga xureeynayo dhamaan Dalka.

Jeneralka, ayaa sheegay in qorshahooda 1aad uu yahay, sidii loo cirib tiri lahaa shabaab, islamarkaasna dhibka ay Ummada iyo qaranimada ku hayaan loo soo afjari lahaa.

“Howl galada waa sii soconayaan, ilaa meel ka mid ah dalka kaga sugan yihiin kooxaha nabad diidka, ujeedkeena ma ahan in hal magaalo aan tagno meel walba waa tageynaa”ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ku sugan degmada Qoryooley.

Mar la weydiiyay weerarada Al-Shabaab mar walba Al-Shabaab ku soo qaadaan meelaha ay la wareegaan ayuu sheegay in aanay waxba aheyn oo kaliya wax tuur tuur ku eg tahay, isagoo ku tilmaamay in hadii Shabaab awood ay isaga difaacaan lahaayeen ay soo joogi lahaayeen magaalooyinkii laga qabsaday.

“Waa dhagax tuur tuur kaliya, weeraradaas waxba ma ahan, hadii ay awood lahaayeen kama baxeyn magaalooyinkii laga saaray”ayuu yiri Abaanduulaha.

Sidoo kale mar la weydiiyay deegaano ay qabsadeen, hadana ay isaga baxeen ciidamada sidadeegaanada Rabdhuure iyo Buq Aqable oo Shabaab dib u qabsadeen ayuu ku jawaabay in meelaha aan taargat ama istiraatiijiyada laheyn ee la maray aanay ujeedka aheyn, balse hadafku yahay meelaha magaalooyinka muhiimka ah in la dego.

“Meelaha dadka u maleynayaan in la baxay ma ahan istiraatiiji, waana meel aysan sii joogi karin waaye, qorshuhu waxa weeye meelaha istiraatiijiga ee ay madaxda degan yihiin in la dego”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa iska caabin xoogan kula jira ciidamada wada jirka, iyadoo bilaabay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo xeelado ay jidadka sahayda u marto uga jarayaan.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo wada jir ah ayaa howl galo ka dhan ah Shabaab ka wada Gobolada Koofurta iyo Bartamaha, iyadoo maalmihii u dambeeyay qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com